Hay’adda Human Rights Watch oo War Ka Soo Saartay Xadhiga Cabdi Maxamuud Cumar | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hay’adda Human Rights Watch oo War Ka Soo Saartay Xadhiga Cabdi Maxamuud Cumar
August 28, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)– Iyadoo maalintii shalay xabsiga loo taxaabay madaxweynihii hore ee dowlad deegaan-ka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa waxaa arintaa markii-ba si deg deg ah uga jawaabtay hay’adda Xuquqda Aadanaha ee Human Rights Watch oo soo dhaweysay xadhiggiisa.

“Waxaan rajeynayaa, in xadhigga Cabdi Maxamuud Cumar uu bilow u noqdo cadaallad u raadinta dhibanayaasha iyo dembiyada culus ee ka jira gobolka Soomaalida ee Itoobiya, waxaa in ay madaxda federaalku hubiyaan in maxkamdeyntu noqonto mid hufan, markhaati furayaasha-na awood u heli karaan iyaga oo aan cabsan ay ka hadlaan gafafkii dhacay’’ ayuu lagu yidhi warbixin ay soo saartay hay’addu.

Hay’adda ayaa hore Cabdi Maxamuud Cumar iyo saraakiisha ciidamada Liyuu Booliiska ee gobolka ku eedeysay in ay ku kaceen gabood falo ka dhan ah Xuquuqda Aadanaha, waxaana ay ka codsatay dowladda dhexe ee Itoobiya in arintaa tallaabo deg deg ah laga qaado.

COMMENTS
LINKS