|
|||||
WAJAALE NEWS
HALKAN KA AKHRI; MAANSADA XAGAL-DAAC: Abwaan/Saxafi Saleebaan Kalshaale.
August 15, 2018 - Written by Editor:HALKAN KA AKHRI; MAANSADA XAGAL-DAAC: Abwaan/Saxafi Saleebaan Kalshaale. “Waa Duni Hoggaankii Shacbigoo dhan Doorteen jifadiisa daaqshoo Deeqaha la keeniyo Xilka Dawladnimada Digreetadu Xariiqaba Daalac uga qorsheeyo Dadkii kale saluugeen….” Maansada Xagal-daac waxay soo baxday 18/07/2018, waxaanay ka waramaysaa waayaha adduunyada iyo wadciga lagu jiro, iyadoo taabanaysaa dhowr arrimood oo kala duwan. Sida; isla-waaga nabad iyo nolol, Nicmo iyo tacab iyo Dawladnimo iyo cadaalad. Waxa ay iftiiminaysaa mushkiladahaha ka aloosan geeska afrika iyo guud ahaan caalamka iyo sidaan loogu haynin Garsoor iyo guddoon xalkooda raadiya. Ugu dambeyn waxay tilmaamaysaa damaca iyo dareennada ka dhex aloosan Soomaaliya iyo Somaliland, iyadoo gabagabada uu dul-istaagay Abwaanku waxyaabaha ka taagan gudaha Somaliland ee dhibaatada ku ah Bulshada iyo Qarankaba. Maansadan Kama madhna duur-xul siyaasaddeed oo uu diirada ku saarayo tabashooyinka laga tirsanayo iyo toobiyaha maamulka dawliga ahi ku socdo. Waxaanay maansadu ku bilaabantay sidan: Damiirka oo wax diidiyo Isha Daymadeediyo Wacaal uurka deeqdiyo Dur sadheeya diirkiyo Dareen baa dibnaha fura Hadaan Gabayga dayn la’aa. Waxa la iigu daw galay Danta guud jirkeedee Haddii aan diraac hore Dermo geedaha u dhigay Maanta durahan jiilaal Xays hadduu daroornimo Doogsin-dhabad waqiisee Dadweynuhu ma geedaa? Xisbiyadu ma darrataa? Ma wax laysku doorshaa? Su’aalahaa hal ii deddan Dawaarkiyo afsaarkii, Haddaan Deelka kaga rogay Hoos intaanan sii degin Midh yaroon ku sii daray Aararta dulucda leh. xanbaa durugtay oo tidhi; Sahankii dorraad yimi Doobkii xoogga loo biday Dalan-dalinta geeddiga Durba waa la tebayaaye Degmadii Halkuu furay? Waa Doobir waayuhu Xagal-daacna soo noqoy.e. Sheekadu da’weynoo La isaga dambeeyee Dulucbay wax sheegtee Diir-wadaagta Soomaal Afrikaanka deriska ah Iyo Du’walka guudkii Diiraddaan ku daalacay Maxaa dabin la’ ii xidhay La’ ii degay dul iyo hoos Nin i duudsiyaayooy Dani naga dhaxaysaa Muxuu qoday dalluun dheer. Doonayaa dharaar qudha Inaan dalaq idhaahdoo Dusha igaga soo dego Dadkayguna dareen li’i Durbaan ugu garaacaan. Maxay doqoni mooddaa Inaan ahay Dammiin madhan Muxuu Daallin ii dhigay Sakal aan ku daydaymo Derbi adag muxuu dhigay Dariiqaan ku taagnahay Muxuu iiga dhigay Dayr Dacwaddayda lagu xidho Mid aan doodi noo ool.
Muxuu Shabaq Dalooliyo Illa daydayaa dallaw Sunta layga soo diro, Dawladnimo muxuu is-biday Dal qudhaata inaan nahay Muxuu dunida dooc dhigay Taydana dulleeyaa Doc-wareemayaa abid? Dulmi Aniga oo qaba Dibin-daabyo tii hore Ka dubaalad dheeroo Darmaantayda lagu xidho Muxuu iigu darayaa? Uga sii dar weeyoo Yaanu kaa dul guurine Muxuu ii dalbaday qaar Abtirsiin dadkaygoo Sula iga dan-qaatoo Anna dayro iga qaba. Laba Deris oo wada-yaal Dareen kama fogaadee Mid yar duday muxuu dabay Durbaan iyo u tumay Hees. Muxuu Malab Dusha u sudhay Dacar lagu digiigimay Weel lagu Dabooloo Muudkeedu daran yahay Duumada Ladhkeedana Dhibco lagaga soo daray Oo Qofkii Dacaamshaa Cudurrada wax dila iyo Daacuun la soo dhaco.
Dar kaloo dhexdeenaa Ama jooga daantaa Dabka lagu il doogsado Muxuu Sixir darka u wadhay? Da’ todoba iyo labaatana Dabar igu xidhnaabaa Ii Dabbaalay Taagtaye Damalkaynu joogniyo Degelkiyo Hareeruhu Waa duunyo Shiiqdoo Ruux kastaa Dantii gaar Dedaal ugu Xabkaystoo Tii guud la daayacay. Waa duni is-dubatoo Dilka, dhaca, ku digashada Lagu gaadho Derejoo Wax ka Doodayaa jirin Durqumada, is duudsiga Dil-dilaaca guud iyo Daakhil Caabuqa u galay. Waa duni dagaal iyo Diririyo Col mooyee Cid danaynaysaa jirin Nabad iyo Daryeel siman. Waa duni Saboolkii Loo diiday noloshoo Dadka kii wax haystaa Dulmigaba ka koow-yoo Afarteeda Daamood Ribo lagu Ducaystoo Xalaal laga Dawaafoo Imtixaan Dul-yaallaa. Waa duni Dacwaayiya Anna Taydu Dihintoo Sannadahan Dellegentoo Kii Shalayto ila Dumay,e Iga reebay doorkeey Qayrkayna ii dilay Wuxuu Dakharro igu dhigay Ila dhacay Dabaabado Inta Dumar goblamay iyo Agoon degelka kaga tegay Dadba wada ogsoon yahay Godkuu Duhurka igu riday Daayin iiga hiishee Walloow doogti aan qabo Dib u helay Xornimadii Isna Diiftii wali qaba Isagoon I daw marin Maanta xal u Dabiibiyo Markii Daawo lagu duray Ee uu soo Daqaaqamay Daandaansi igu wado.
Waa Duni Dabeyshiyo Duufaanta dhacaysiyo Dillaalyada u nugul oo Dar-xumadu ku badan tahay. Waa Duni dushaydiyo Dayaxa iyo Daruuraha Hubka lagu dagaallamo La isugu diyaarsaday Misna Daafta waxa yaal Dugaag looga wada tegay. Waa Duni Qabiil iyo Qaybsanaanta Diimeed Iblays kaga danaystoo Isku diro Quruumaha. Waa Duni Dastuuriyo Sharci kala Dabbaalaa Yahay Dan iyo Xeeshii Dadkan tiisa wada raba Oo ay Doodda Falastiin Tahay Xaajo daayima Dacwad aan Garsoor helin Iyo Daab-cad kugu mudan Islaamnimo daraaddeed Carabtana dulaysatay. Waa Duni Asaageey Daalac uu Dabreystoo Hoos ii dayaayoo Anna aan dayeysnahay Markii ay Dadkaygii Doc kasba ka gaabsheen Dedaal inay ku gaadhaan Halkuu degay Filkoodii. Waa Duni degaysoo Dabayaaqo joogtoo Damcaddii ka dhimatoo Duugoowday gebigeed. Waa Duni Dillaalkiyo Dadka kii dhacaa yahay Dan-jiraha hormuudkaa. Waa Duni Dembiilaha Lagu Derejo siiyoo Daacadnimo diciif tahay. Waa Duni duruufuhu Isu daba marteeyaan Oo Diihaalka baahida. Dawaradu u tahay quud. Waa Duni Dugaalkii Dadka qaar dhammaysteen Anna ay iga dedanyiin Dahabkiyo Shidaalkaan Dakhli uga sameyn la’a Dan yartiyo saboolkeen Dibeddaha u diri la’a. Waa Duni Dariiq sugan Dusdus looga leexdoo Midba diillin loo maro. Waa Duni Dugaagiyo Dadku badi u foofaan Geedaha Dullaaftee Dhiga Doorinaayiyo Dalag aan fayoobayn. Waa Duni Hoggaankii Shacbigoo dhan Doorteen jifadiisa daaqshoo Deeqaha la keeniyo Xilka Dawladnimada Digreetadu Xariiqaba Daalac uga qorsheeyo Dadkii kale saluugeen. Waa Duni Nin Duub helay Midna wax u dareeriyo Wuxuu daaqsadaa jirin Oo uu tiisi daydayo. Dekedaha la iibshiyo Garoomada la daynsaday Durdurrada la xidhay iyo Buuraha la soo degay Damacbaa ku hoos jira Ka da’ weyn dihnaantee Diblomaasiyoow garo Nin Dantiisa kaa raba Misna taada diiddoo Dariftaada quudhsaday Cadow kaama dayree Deg-deg ha ugu halabayn Duunyo waxaad ka haysiyo Deeqdaada gaarkaa.”
Afartaasi waa duud Wixii iiga Daahiray Amuuraha igu dayrane Haddaan Daakhilkaygiyo Dib u eego Dhiillada Dawankeedu ii baxay Shalay Dalalagtaydii Haddaan dhegaha loo duwin Maantana Dabuub hore Midkaloon ku darayaa Xalay Dihatay laabtuye Beelaha is dilayoow Walaalaha is-dooxoow Deriska is-duqeeyoow Dogobkaad Shidaysaan Sharkaad deebinaysaan Ibtiladaad dalayseen Dambarkeeda Aakhiro Waxa kaaga sii daran Cadawgaaga kugu digan Misna dibedda kaa odhan Ninka yaan laguu dagin Duddadaada joogee Daadifeeya nabaddoo Dumbukhiina aammina Yaanu kaa dambeynine Abidkaa diyaar noqo Daaqna yaan la wada cunin. Haddaydaan dareemayn Dantuu idinka leeyahay Daaha aan ka qaadee Waa inuu dagaalkani Dalka gebi ku faafoo Duudda Beeshu wada taal Dacallada u dhaafoo Dan-wadaag Sadhayoo Dildilaaco Qarankuye Diyaar ma u tihiin taa? Haddaydaan ka daynayn Door moodaysan sidan Ergadayda diiddaan Dadka kale maxa u Dana? Ee ay dugsanayaan Markaad tooda dumisaan? Ma haysaan dariiq kale Meel ay nolol ka deexdaan Dumarkiyo Carruurtaa Gabalkoodu Dumayee Kuwii dhalay Dilaysaan? Doobi dhacayba daba-qabo Lagu gaadh darroorimo Mug wixii ka daad-tee Nimanyahow Dakanadaad Isu deebinaysaan Durqumadaad falaysaan Belladaad dalbanaysaan Dirbay dhaxal idiin noqon Dacwaddiyo Ergada iyo Haddaad samaha diiddaan Dunta kala fogaysaan Ama guushii dabadeed Axdi dhacay la dabar-furo. Ee hooy dirirta baajoo Deyrkii Islaamkiyo Dembi-dhaaf u soo dega Duqaydiyo Musheekhdiyo Dadka Ehelu Diinkiyo Anigiyo dadaydana Duco naga guddoonsada. Kuwa doorkan Cabbanee Qaybsiga ka didayoow Waa daw xisaaabtuye Idinkoon dunuunucin Dib u dhowra maalmaha Mar kalaydin doogsane. Dhamaad W/T, Suxufi Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale) Email: curad1986@hotmail.com
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|