Guddoomiye Cirro oo shacabka Somaliland iyo ummadda islaamkaba ku hambalyeeyey munaasabadda ciidul adxada awgeed | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guddoomiye Cirro oo shacabka Somaliland iyo ummadda islaamkaba ku hambalyeeyey munaasabadda ciidul adxada awgeed
August 20, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa waxaa uu guud ahaanba shucuubta Muslimiinta ah, gaar ahnaa shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ugu hambalyeynayaa munaasibadda Cidal-adxa oo ku beegan maalinta berito 21 8/ 2-18, waxaan shuucubta islaamka alle uga baryeyaa inuu sannadkan sannadkiisa ku gaadhsiiyo barwaaqo iyo bash-bash.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro waxa uu sidoo kale si gaara hambalyo ugu dirayaa Ciiddammada kala duwan ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, xaasaskooda, caruurtooda iyo weliba shaqaale-weynaha, iyo guud ahaan-ba shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay kala joogaan gudo iyo dibad-ba, isagoo ku hambalyeynaya munaasabada qiima badan ee ciidan Ad-xada Awgeed, waxaana uu umadda reer Somaliland ku hambalyeynayaa munsabaada qiimo badan ee Ciidal Adxada,waxaanu illaahay uga beryayaa inuu nabad iyo caafimaad qab ku gaadhso ciidan ciideeda bulshada reer Somaliland iyo barwaaqo.

COMMENTS
LINKS