|
|||||
WAJAALE NEWS
Guddoomiyihii Baarlamaanka Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya iyo Masuuliyiin Kale oo Is-casilay
August 18, 2018 - Written by Reporter:Jigjiga (WJN)- Af-hayeenkii Baarlamaanka ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Maxamed Rashiid Isaaq ayaa waxa uu iska casilay xilkii uu hayay. Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in Khadar Cabdi Ismaaciil oo ahaa Hogaamiyaha Gollaha Dhexe ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya uu isna ka tegay shaqadda. Ma cadda sababta ay Jagooyinkooda uga tageen, balse, waxay kusoo beegmaysaa xili siyaasadda Dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya ay ka jirto isbedalo waa wayn oo xaga hogaanka ah. Labadaan masuul oo kamid ahaa Sharci-dejiyaasha ugu muhiimsan deegaanka ayaa waxay ka tirsan yihiin Xisibiga taladda haya ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ee loosoo gaabiyo magaciisa ESPDP. Arrintan ayaa waxay kusoo beegmaysaa xili kulamo looga arrinsayo mustaqbalka deegaanka ay ka soconayaa Magaaladda Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, halkaasoo xubno badan ay joogaan.
WARIYE: XAMSE JIRDE WAJAALENEWS.NET HARGEYSA OFFICE Related posts:Xildhibaan Qaasim Oo Sheegay Dadka Lagu Dilo Magaalada Laascanood In Ay Yihiin Kuwa Somaliland Ushaq... DAAWO;-Agaasimaha Madaxtooyada Oo Ka Hadlay Dhul Madaxwayne Biixi Iyo Qoysas Danyar Ahi Isku Haystaa... Madaxwaynaha Kenya Oo Weerarkii Hubaysnaa Ee West Gate Ka Dib Ku Dhawaaqay In Uu Dalkiisu Qaadayo We... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|