Guddoomiyaha Haay’adda Shaqaalaha Dawlada Oo Fariin Yeedhmo ah UDiray Shaqaalihii Aan Is Diwaan-Galin Iyo Wakhtiga La Doonaya! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guddoomiyaha Haay’adda Shaqaalaha Dawlada Oo Fariin Yeedhmo ah UDiray Shaqaalihii Aan Is Diwaan-Galin Iyo Wakhtiga La Doonaya!
August 29, 2018 - Written by Editor:

Sida Aad la socotaan Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu waxa ay mudooyinkii u dambeeyey gacanta ku haysay hawl-qabadka qaran ee diiwaangelinta shaqaalaha dawladda si loo tayeeyo.

Haddaba, 24/07/2018 Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu waxa ay wajigii koobaad joojisay 1,252 Kaalmo shaqo kuwaas oo lasoo waayey meel ay jaan iyo cidhib dhigeen halkaas oo si wanaagsan looga saaray diiwaanka mushahar bixinta qaranka

Sida oo kale Waxa mudooyinkii u dambeeyey baadhis iyo daba-gal lagu sameeyey runimada tirada dalka u diiwaangashan in ay waxbarasho dibadeed ku maqan yihiin oo dhan 87 qof halkaas oo maalmaha soo socda lasoo saari doonno inta dhab noqotay iyo inta buuxin wayday shuruudihii loogu aqoonsan lahaa in ay waxbarasho ku maqan yihiin.

Si taas lamid ah, Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu waxa

ay imika gudo galaysaa kala hufka wajigii labaad oo tiradoodu dhan tahay 1,224 kuwaas oo aan isku diiwaangelin sababo la xidhiidha:

1- Dhimasho 172

2- Dhul-yaal 132

3- Waxbarasho 87

4- Fasax Caafimaad 69

5- Dood magac ka qaldan iyo maqnaasho xiligii diiwaangelinta 764

Sidaa darteed, guddida hay’adda shaqaalaha dawladdu waxa ay ku wargelinaysaa dhamaan shaqaalihii dacwad ama diiwaangelin sugayaasha ahaa ee aan ku jirin 1,252 kaalmo shaqo ee la joojiyey in ay deg deg ula xidhiidhaan Wasaaradda/Hay’adda dawladeed ee ay ka hawl-galaan si loola eego

Dib u eegistan ayaa bilaabmaysa 1/09/2018 isla markaana dhamaan doonta 11/09/2018 sidaa darteed, waxa aan ku adkaynayaa dhammaan shaqaalaha diiwaangelin ama dacwad sugayaasha ahaa in ay fursadan ka faa’idaystaan.

Ugu dambayn, marka wajigan labaad lasoo xidho hay’adda shaqaalaha dawladdu waxa ay bilaabi doontaa baahinta jagooyinka shaqo iyo shaacinta gobolada ay tartamadu ka qabsoomi doonnaan iyo sida oo kale tayeynta shaqaalaha dawladda hadii Alle Idmo

F.G – Wasaarad/Hay’add walba jadwalka shaqaalaheeda laga rabo hay’adda shaqaalaha waxa horay loogu gudbiyey Wasaaradda/Hay’adda ee deg deg ula xidhiidh si aad u ogaato.

HALKAN KA DAAWO GUDOOMIYE SHARMAAKE OO FAAH FAAHIN KA BIXINAYA;

COMMENTS
LINKS