|
|||||
WAJAALE NEWS
Guddida Xuquuqal Insaanka Qaran Oo Maanta Madaxweynaha Hortiisa Lagu Dhaariyey Iyo Dardaaranka Uu Faray.
August 12, 2018 - Written by Editor:Hargeysa-(W,N)-Xubnaha guddida heer qaran ee Xuquuqal Insaanka qaranka, ayaa maanta si rasmi ah loo mariyey dhaarta dastuuriga ah, waxaana madaxweynaha hortiisa ku dhaariyey guddoomiyaha maxkamadda sare, garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhaarta kadib waxa uu dardaaran muhiim ah u jeediyey xubnaha guddida xuquuqal insaanka ee heer qaran, isaga oo ku adkeeyey inay dadka iyo dawladda dhex u ahaadaan, una hoggaansamaan dhaarta Kitaabka Eebbe ee lagu dhaariyey, waxana uu yidhi, “Hay’adaha dawladda qaar badan buu dastuurku ku waajibiyey dhaar, insha Allah dhaartaas ayeynu ku wada dhaqmi doonnaa, dhammaanteenna waa la ina wada dhaariyey, Ilaahay waxan ka rajaynayaa, dhaartaasna aynu ku dhaqanno, waxa inoo ballan ah dawladda iyo dadka dhex baad u ahaan doontaan, dawladda loo eexan maayo, annaguna waanu dacwoon karnaa, cidna dulmi maynee xaq baynu ilaalinaynaa iyo sharciga. Wasiirka horumarinta biyaha, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore iyo ku-xigeenka hanta-dhawraha guud ee qaranka, Mudane, Sacad Cabdi Cabdilaahi Riiraash, ayaa iyagana isla maanta la mariyey dhaarta dastuuriga ah ee ku waajibtay. Qodobka 129-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa waajibinaya dhaarta distuuriga ah ee la mariyo masuuliyiinta qaranka xilalka muhiimka ah u haya, waxana xubnahani ay maanta waafaqeen tilmaaha uu qodobkaasi waajibinayo. Wab-bilaahi Tawiiq Related posts:DAAWO; Warbixin Naxdin Leh Xaalada Dadka Kasoo Baro Kacay Abaarta Ee Ku Sugan Deegaanada Gobolka... Daawo:Madaxda Dalada Dhalinyarada Ee Horseed Oo Isku Hubsaday Xisbul Xaakimka Kulmiye Kana Waramay S... DAAWO;-Garaad Jaamac Garaad Cali Oo Si Balaadhan Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Laascanood Iyo Fariin... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|