|
|||||
WAJAALE NEWS
“Go’aankan Madaxwaynaha Waxan Odhan karaa Shakhsi Ahaan Waa kii Aan Ugu jeclaa Ee Madaxtooyada ka Soo Baxay, Intii Uu La Wareegay Xilka”Cali Guray.
August 11, 2018 - Written by Editor:HADDAAN HOOYAA!! Habka go’aanka Madaxwaynuhu u Dhigan yahay ayaa inagaga filan inu yahay go’aan loogu danaynayo shacbiga Somaliland. Weliba Madaxwaynuhu wuu asturay marka go’aankii lagu wareejiyay Haamaha Kaydka Shidaalka uu leeyahay waxa ku jiray ( Ilduuf Sharci) ee si fiican buu u ogyahay dadkuna u ogyahay sidii ay wax u dhaceen. Xataa shirkadihii aan jirin ee magac u yaalka ahaa way ogyihiin in goldaloolo sharci ku jiray sidii loogu wareejiyay hantida dadwaynaha oo kama murmi karaan. Ta kale ee amniga may gaadhin Somaliland xili nabadgelyada madaarada ay shirkado gaar ahi la wareegi lahayd markaa waa in lagu ogaadaa gacanta dawladda. Goa’aankan Madaxwaynaha waxan odhan karaa shakhsi ahaan waa kii aan ugu jeclaa intii go’aamadii Madaxtooyada ka soo baxay intii uu Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi la wareegay xilka waanan ku hambalyaynayaa. Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) Related posts:Maxkamadda Degmada Laasacaanood Waxay U Baahantahay Gaadiid “…. Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Laas... Daawo:“Xisbiga Kuulmiye Waa Xisbi Shaydaan Ee Shaydaanka Inaga Naara Xisbiga Wadanina Waa Xisbulaah”... Agaasime Waaxeed Madaxweyne Siilaanyo Isku Hayb yihiin Oo Shir Somalia ah Kaga Qaybgalay Magaca Som... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|