Ganacsatada Soomaalida Koonfur Africa oo Dalbadey in Wax Laga Qabto Dhibaatada Lagu Hayo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ganacsatada Soomaalida Koonfur Africa oo Dalbadey in Wax Laga Qabto Dhibaatada Lagu Hayo
August 31, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN) – Labadii cisho ee la soo dhaafay Boob iyo bililiqo baahsan ayaa lagu hayay ganacsiga dadka ajaanibta ah xaafadda Soweto ee dalka Koonfur Africa, waxaana ganacsiga la boobay ku jira dukaamo ay lahaayeen ganacsatada Soomaalidu.

Ganacsatada lagu boobay xaafadda Soweto ee dalka Koonfur Afrika ayaa ka dalbaday dowladda Soomaaliya in ay soo fara-galiso dhaca iyo boobk lagu hayo hantidooda.

Mid ka mid ah ganacsatada Soomaalida oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in  hanti dhan Boqolaal kun oo dollar lagu boobay rabshadiihi dhacay labadii cisho ee la soo dhafay, isaga oo dalbaday in wax laga qabto arrimatan.

Budhcad South Africa ah iyo waliba dad u badan danyar ayaa la sheegay in ay ku qamaameen ganacsiga dadka ajnabig ah ee ku dhaqan xaafadda Soweto, kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in ganacsatada qaarkood dadka ka iibiyaan alaabo dhacay.

Xaafaddan Soweto ayaa ah xarun ganacsi oo aad u weyn, waxaana ku xoogan oo ganacsi ballaadhan ku leh dadka aan u dhalan dalkaasi Koonfur Africa ee ajnabiga.

Waa boobkii ugu xooganaa oo waayadan dalkaasi Koonfur Africa loo geysto goobo ganacsi, hanti badanna waxaa la sheegay in la bur buriyay.

 

COMMENTS
LINKS