|
|||||
WAJAALE NEWS
Dibaatada gaadiidku umada ku hayo
August 8, 2018 - Written by Reporter:in badan ayaa waxa laga qorray dhibaatada gaadiidku ku hayo bulshada Somaliland in badan ayaa laga cawday in badan ayaa laga ashtakoodey laga murugoodey in badan ayaa hooyo toban caruura korineysey gaadhi booyadii madaxa ka gooyey. in badan ayaa ubax iskuulka dhigta oo cimrigii ugu wanaagsanaa jooga bas mid murqaasani wada xaga kale usula rogey. in badan ayaa geesi ama halyey ama dad ehlu khayr ah oo xajka ku socda meydkoodii jidka berbera iyo hargeysa u dhexeeya laga soo qaaday oo guryo badan baroori isu baxday. in badan baan indhaha ka kqaaday qaadhi 20 tan sida oo magaalada dhexdeeda ku qalibmey in badan baan arkay iska-rogo 80 km suuqa dhexdiisa ku soconay oo dad galaafatay in badan baynu aragnay bas maqaaxixi il yartu is qabatay intuu dacalka ka soo galay 20 qof geeri iyo dhaawac ka yeelay. In badan baynu aragnay gaadhi booliisku leeyahay oo dameer gidaar ku ceejiyey in badan baynu aragnay dhaawac dhakhtarada yaal oon geeri iyo nolol midnna ahayn oo shil baabuur geystey dad aad iyo aad u faro badan ayaa gaadiidka iyo wadooyinka iyo dareewaladu ay gallafteen ama naafeeyeen caruuraa ku agoomoobey ama ku rajoobey ama ku naf waayey dhibta gaadiiku geysto , waana joogto gelin hore gelin danbe iyo habeen walba dhacaya , dawlad wax ka qabaneysaana ma jirto waxaan ku talin lahaa umadu meel inay arinkaa uga soo wada jeesato oo dareewalka sixun gaadhiga u wada haduu bas yahay ay dadku iskaga degaan haduu nooc kale yahana cidii argtaaba ay dhagxiso oo muraayadaha ka jebjebiso waa gaadhiga suuqa iyo meel aan wadoba jirin sida waalida ah loo kaxeeyo sida kuwa qaadka sida ama booyadaha biyaha sida iyo iskarogooyinka suuqa dhexdiisa is baacsada hadaan dadweynuhu meel uga soo wada jeesan wax xaqiiq ah in dad badan oo danbena ku naf waayayaan qaarna ku naafoobayaan , midna ku darsada xisaabta gaadhi sabab la’aan wax uma dilo boqolkiiba 99 sababta dareewalkaa leh
1= isagoo xoog u socday 2= isagoo lulooday 3 = isagoo murqaansan ama sakhraansan 4 = isagoo gaadhigiisa wax ka xunba ogeyn sida bireega taayirada abwaasha gaadhiga isku xejiya 5= isagoo ceeryaamo ama dhedo aanu wax arag soday 6 =isagoo mid kale la tartamay 7=isagoo aan wadada iyo waxa soo socda ama daba socda midna aan eegin oo heeso dhegeysanaya Ama taleefan ku hadlaaya ama hawo kale iyo hami ku jira 8= isagoo wado weyn iska galay isagoon istaagin hareerahana eegin 9= isagoo istaagey meel aan laystaagin 10=isagoo dib isaga socday isagaan wax hubsan 11=isagoo xamli aanu qaadi karayn saaray oo uu la dheeliyey 12= isagoon cinaba cabsi ka qabin oo uu siduu doono u socday 13= isagoo saaray wax ka daadanaya oo baabuurtii ka dabeysey qalibey ama wax yeelo u geystey 14= isagoo wadada kaga tegey dhaxaan waaweyn oy ahayd inuu celiyo markuu ku hawl dhamaysto 15= isagoo indho la’aan ku guureeyey ama il gudha Lama tirin karo wax yaabaha shilka keena oo oo dadku u sabab yahay intaasaa kaaga filan Waana inta ugu badan ee shilku ku yimaadaa, Dadkaa hawshaa dawladu u igmatey ma yaqaaniin waxaan ahay waraaqdii baa kaa dhacday Iyo wax noo dhiib lama arag gaadhi sixun u soda oy qabteen ama khasireen, anigu ma aqaani Runtii wax ay umada u qabtaan hadana sawirkooda inaad aragtaa waa wax loo baahan yahay Si kastaba ha ahaatee fara xun baa gaadiidku inagu hayaa waa in la ogaadaa waa in laga Hadlaa waa in iskuulada ardayda la gaadhsiiyaa dhibaatada gaadiidka si ay uga feeji gaadaan Dawladana waxaan ka codsanaynaa hadii ay dadka lex jeclo ka hayso ugu horayn waa inay samaysaa Baarkino basaska laga dego lagana fuulo oo baska diida talaabo culus laga qaadaa waa inay Speedka ama xawaara xakamaysaa labadaa arimood waa inay aminka ku kacdaa wixii kalena
Waa isku soo gaadh ,,,,,,, dhuuuuuuukiye
mohamed mireh mireh20002009@hotmail.com COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|