Dhibka ugu weyn ee Somaliland maanta yaal waa cilmi yaraan. W/Q: Mohamed Hagi Mohamoud | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dhibka ugu weyn ee Somaliland maanta yaal waa cilmi yaraan. W/Q: Mohamed Hagi Mohamoud
August 20, 2018 - Written by Reporter:

Dhibka ugu weyn ee Somaliland maanta yaal waa cilmi yaraan. Cilmi yaraan aan la dareensaneyn oo halkeedii been la gu beddeshay. Aqoon la’aanta farsamo waxa ay ka muuqataa shaqada waddanka ka socota iyo qiyamka dadka.

Waxa si weyn been loo ga sheegay helista cilmiga – waxa la isla qaatay in jaamacado la ga soo wada baxay, runtuse waa in aan farsamo aqooneed oo sax ahi maan ku jirin. Isma laha shahaadada la sheeganayo in la sito iyo aqoonta madaxa ku jirta ee farsamo keenka ah.

Cilmiga maaddiga ahi waa ka caqligu ummaduhu ku kobco, ogaalku ku sadburiyo ee maskaxdu ku tannaaddo. Waana waxa keenay farqiga u dhexeeya dalalka adduunka ee kala wanaagsanaanta dhinacyada horumarka dhaqaale, ilbaxnimo/xaddaarad, hagaagga siyaasadda iyo is-xukunka saalloon.

Somaliland dawladnimadeedu waxa ay u liidataa waa aqoon-darro dhinaca cilmiga ah. Farsamo xumada ay masuulka ka tahay Aqoon la’aanta shaqo garan-waaga ahi waxa ay si toosa u ga dhex muuqataa xafiisyada dalka.

Waxa kale oo si weyn loo ga dareemayaa hawl qabadka shaqaalaha oo aad arakayso dhibka ay qabaan ee liidashada curinta iyo hal-abuurka. Been la iscabsiiyaa ummadaha waxba uma tarto aan ka ahayn in ay halligto.

Maanta ummad ahaan waxa aynnu u baahan nahay waa helista aqoon toosan oo shaqo dawladnimo iyo mid ummadeed innoo sahli karta oo curin leh, wax qabad leh oo farsamo garad leh. Jimce wanaagsan.

 

Mohamed Hagi Mohamoud

COMMENTS
LINKS