Dawlada Itoobiya oo Sameeysay Xafiis U Qaabilsan Hub Ka Dhigista Ururadii Hubaysnaa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada Itoobiya oo Sameeysay Xafiis U Qaabilsan Hub Ka Dhigista Ururadii Hubaysnaa
August 29, 2018 - Written by Reporter:

Addis Ababa (WJN)- Xafiiska xidhiidhka dowladda federaalka ee Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in la sameeyay xafiis u gooni ah ururadii hubaysnaa ee dhawaan heshiiska la galay dowladda Itoobiya islamarkaasna ka shaqayn doono danaha ururadan.

Xafiiskan ayaa ka shaqayn doonaa sidii si nabad ah hub ka dhigis loogu samayn lahaa ururrada hubaysan ee gogosha nabadeed ay xukuumadda u fidisay.

Sidoo kalena, waxayaabaha uu qaban doono xafiiskan gaarka ah waxaa kamid ah sidii shaqo abuur loogu samayn lahaa xubnaha ka tirsan ururrada ee doonaya arrintaasi.

Xafiiska ayaa sidoo kale qori doonaa xubnaha doonaya inay noqdaan ciidaan.

Sabtidii lasoo dhaafay ayay ahayd markii ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ugu baaqay ururradan inay hubkooda si nabad ah kusoo dhiibaan islamarkaasna ay ku dagaalamaan firkadahooda iyo qalinka.

Ururada dhawaan gogosha nabadeed ay dowladda Itoobiya u fidisay waxaa kamid ah ururka ONLF iyo OLF.

COMMENTS
LINKS