Dawlada Itoobiya oo Ka Hadashay Waxa Laga Damacsan Yahay Liyuu Booliiska | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada Itoobiya oo Ka Hadashay Waxa Laga Damacsan Yahay Liyuu Booliiska
August 15, 2018 - Written by Reporter:

Addis Ababa (WJN)- Wararka ka imanaya Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in magaalada Addis Ababa looga yeedhay wasiiradda, ku xigennadoodii, maareerayayaasha wakaaladaha, gudoomiyayaasha 11-ka gobol ee uu deegaanka ka kooban yahay iyo dhammaan dadka uu xilalka u magacaabay maamulkii hore ee aan shaqaalaha caadiga ahayn.

Waxaa caasimadda hore usii joogay xubnaha golaha dhexe ee xisbiga dimuqraadiga ee shacabka Soomaalida Itoobiya oo 45 xubnood ka kooban ayna ku jiraan madaxweynaha iyo afhayeenka baarlamaanka.

Dadka qaar ayaa sheegaya in sababta mas’uuliyiintaasi la isugu geeyay Addis Ababa ay tahay qiimeyn lagu sameynayo shaqadooda iyo isla xisaabtan.

Dhanka kale, taliye sare oo ka tirsan ciidammada Itoobiya ayaa sheegay in aanu hadda jirin qorshe lagu kala dirayo ciidanka deegaanka Soomaalida ee Liyu Booliiska, sida uu xaqiijiyay Sareeye gaas Maxamed Tesema oo ah agaasimaha xidhiidhka bulshada ee wasaaradda gaashaandhigga ee Itoobiya.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

 

COMMENTS
LINKS