|
|||||
WAJAALE NEWS
Dawlada Ingriiska oo walaac ka muujisay doorashadii dalka Zimbabwe
August 2, 2018 - Written by Wariye:Hargaysa(WJN):-Qaramada Midoobay iyo dowlada Ingiriiska ayaa walaac ka muujiyey rabshadahii ka dhacay dalka Zimbabwe oo ay ku dhinteen saddex qof oo ra’yid ah ,kaddib markii ay ciidamada dowlada ku fureen xabado. Natiijooyinka baarlamaanka ayaa sida la sheegay waxa ku guulaystay xisbiga talada haya ee Zanu-PF . Balse mucaaradka ayaa sheegay in xisbiga Zanu-PF ay ku shubteen doorashada. Natiijada madaxweynaha ayaan weli la shaacinin. Xisbiga mucaaradka ee isbahaysiga MDC ayaa ku adkaysanaya in Nelson Chamisa uu ka guulaystay madaxweyne Emmerson Mnangagwa. Xisbiga Zanu-PF, oo muddo 38 sano ah talada dalkaasi haysay tan iyo markii ay xoriyadda qaateen, ayaa dafiray eedaymaha ah inay ku shubteen doorashada. Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa siyaasiyiinta dalka Zimbabwe ku booriyey inay muujiyaan xakamayn. Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Ingiriiska Harriett Baldwin ayaa sheegtay inay aad ooga walaacsantahay rabshaha ka jira dalka Zimbabwe. Warbixin ay safaaradda Mareykanka ku baahisay barta Twitter-ka ayey ku sheegtay in dalka looga baahanyahay inay ilaashadan fursadan taariikhiga ah. Hay’addaha u dooda xuquuqal Insaanka ee Human rights group iyo Amnesty ayaa dowlada ugu yeeray inay bilaaban baaritan ka dhan ah falalkii ay ciidamada gaysteen. Guddiga doorashada ee qaranka ayaa sheegay in xisbiga Zanu-PF uu ku guulaystay saddex meelood hal meel aqlabiyadda baarlamaanka taasi oo caasimadda dalka ee Harare ka dhalisay rabshado. Wasiirka arrimaha gudaha Obert Mpofu ayaa sheegay inaysan dowlada u dulqaadan doonin mudaharaadyada. Mucaaradka waxay “tijaabinayan xalkanaga” waxayna ila tahay “inay sameynayaan qalad aad u weyn.” Afhayeen u hadlay Mr Chamisa ayaa cambaareey ciidamada lagu soo daadiyey jidadka iyo dilalka loo geysanaya dadka shacabka ah. Guddiga doorashada ee (Zec) ayaa shaaciyey 140 ka tirsan xisbiga Zanu-PF, 58 xisbiga isbahaysiga ee MDC. Dad ka badan 5 milyan oo qof ayaa u diwaan gishnaa inay codeeyaan, ku dhawaad 70% ayaana codkooda dhiibtay. ZBC ayaa sheegtay in guddiga doorashada ay natiijada doorashada ku dhawaaqi doonto maalinta Arbacada ah, balse waxaa kaliye ilaa hada la shaaciyey natiijada baarlamaanka. Weriyaha BBC-da Shingai Nyoka ayaa sheegtay in aan weli la shaacinin natiijooyinka doorashada ee madaxweynaha, maxaa yeelay qaar ka mid ah 23da musharax ee u taagnaa xilka ayaa ku guuldaraystay inay yimaadan xarumaha si ay u xaqiijiyaan habka codka loo tirinayo. Musharaxiinta ayaa looga baahanyahay inay helaan codad ka badan 50%, haddii kale doorasho labaad ayaa dib loo qaban doona 8 da bisha September. Maxay leeyihiin goob joogayaasha? Midowga Yurub ayaa cambaareeyey daahitaanka ku yimid ku dhawaaqidda natiijada madaxweynaha. Related posts:Madaxweynaha Oo Abaalmarintii Shannaad Ee Tartanka Qur'aanka Kariimka Ah Gudoonsiiyey Guulaystayaash... Daawo:Xukuumada Oo Kooto Ugu Xidhasa Laydhka Shirkad Gaar ah Iyo Golaha Wakiilada Somaliland Oo Gan... Gudi Hoosaadka Golaha Wakiilada Somaliland Oo Sheegay In Idaacadii iyo Tvgii Qarankuba U Fidhiyaan C... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|