Dalka shiinaha oo la sheegay inay ku xidhan yihiin hal milyan oo muslimiin ah | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dalka shiinaha oo la sheegay inay ku xidhan yihiin hal milyan oo muslimiin ah
August 13, 2018 - Written by Wariye:

_102929205_uighurwomenHargaysa(wjn):-Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa loo sheegay in dalka Shiinaha ay ku xirxiranyihiin illaa 1 milyan oo qof oo ka mid ah qoowmiyadda muslimiinta ah ee Uighurs, kuwaas oo lagu hayo goobaha argagixiso la dagaalanka.

Mr McDougall oo xubin ka ah guddiga hay’adda ayaa arrintan ka sheegay shir labo maalmood ahaa oo looga hadlayay arrimaha xuquuqda aadanaha ee dalka Shiinaha.

Dowladda Shiinaha ayaanan durba ka jawaabin sheegashadaas, balse ergada 50 dhan ee Shiinaha uga qaybgalaya shirka Geneva ayaa sheegay in ay ka hadli doonaan arrinkan.

Waa qoowmiyad muslimiin ah oo degen gobolka Xinjian ee dalka Shiinaha, halkaas oo dadka ku nool ay ka yihiin 45%, gobolkana waxa uu leeyahay is maamul goboleed sida kan Tibet oo kale ah.

Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International iyo Human Rights Watch ayaa sheegay in loo sameeyay dadkan xerooyin waaweyn oo lagu ciqaabo, laguna qasbo in ay ku dhaartaan in ay daacad u yihiin madaxweynaha dalkaas Xi Jinpin.

Dadka qaarkood ayaa la hayaa iyada oo aanan lagu soo oogin wax dacwad ah, waxaana lagu qasbaa in ay qaataan mabaadii’da shuuciyadda.

Dowladda Shiinaha ayaa beenisa eedeymaha loo jeediyo, waxayna had iyo jeer sheegtaa in ay la dagaalamayso xag jirnimada diimeed.

 

Hargaysa office

Wajaalenews.net

Wariye abdiqadir habane

COMMENTS
LINKS