|
|||||
WAJAALE NEWS
Dalalka Beesha Caalamka Ee Taageera Doorashooyinka Somaliland oo Lacagta Ay Bixinayaan Ku Xidhay Sadex Qodob In Xal Loo Helo
August 16, 2018 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN)- Dalalka beesha caalamka ee taageera nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland, ayaa la sheegay inay saddex qodob doonayaan in la xaliyo si ay u maalgeliyaan doorashooyinka wakiilada iyo deegaanka ee la qorsheeyay inay qabsoomaan sannadka dambe ee 2019. Sida ay Geeska Afrika u sheegeen ilo xogogaal ahi, dalalkan oo hore u balan qaaday inay bixinayaan inta badan lacagta ku baxaysa doorashooyinka kal dambe ayaa waxa ay doonayaan in Somaliland xaliso saddex qodob oo ay u arkaan inay caqabad ku noqon karaan in doorashooyinku qabsoomaan. Saddexda qodob ayaa sida ay wararku sheegeen waxa ay nuxur ahaan kala yihiin:
Dalalkan reer galbeedka ah ayaa la sheegay inay aad xoogga u saarayaan qodobka koowaad ee kootada iyo qodobka labaad ee xalinta khilaafka xisbiga Waddani iyo guddiga doorashada si dariiqa loogu xaadho in doorashooyinku qabsoomaan kal dambe oo aanay mar kale dib uga dhicin wakhtiga loo qoondeeyay.
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|