Daawo: Madaxweyne Muuse Biixi oo Fariin Adag U Diray Maamulka Xamar | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Daawo: Madaxweyne Muuse Biixi oo Fariin Adag U Diray Maamulka Xamar
August 21, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka ku dhaqan caasimadda Hargeysa kala qayb-galay gudashada salaadda Ciidal Al-adxada oo maanta la oogay.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, taliyayaasha ciidamada kala duwan ee qaranka iyo xubno kale oo katirsan xukuumadda, ayaa boqolaal ka tirsan shacabka ku dhaqan caasimadda Hargeysa, gaar ahaan Masjid Jaamac weyn ee caasimadda kula tukaday salaadda Ciidda, waxana uu halkaas ka jeediyey khudbad ku salaysan muhiimadda ay leedahay wada-jirka iyo isku duubnimada ummaddu leedahay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi waxa guud ahaanba shucuubta Islaamka, gaar ahaanna shacabka reer Somaliland ku bogaadiyey maalinta ciidal-Adxada, isaga oo Eebbena uga baryey inuu sanadkan sanadkiisa ku gaadhsiiyo, barwaaqo iyo dambi-dhaaf, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Maalinta Ciidul Adxaha dhammaan waxa aan hambalyo u dirayaa ummadda Islaamka oo dhan meel kasta oo ay joogaanba, gaar ahaanna ummadda Somaliland. Ilaahayna waxa aynnu weydiisanaynaa dambi-dhaaf oo uu meytaatkeennii dhintay u naxariisto, innagana inooga daba naxariisto.”

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

 

https://youtu.be/H5paH2_FtTk

 

COMMENTS
LINKS