|
|||||
WAJAALE NEWS
Daawo: “Farmaajo Labada Qolo Ee Uu Ugu Neceb Yahay Waa Somaliland iyo Jabuuti”..Xildhiban Aareeye
August 2, 2018 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN)- Xildhibaan Cali Sheekh Ibraahin Aareeye oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa dhalliilay qaabkii uu Madaxweynaha Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo uga hadlay arrinta dalka Eriteria ee wakhtigan iyo baaqa uu u jeediyey Qaramada Midoobay ee uu kaga dalbaday in Eriteria laga qaado Cuno-qabataynka Hubka ee saaran dalkaas. Dhanka kale Xildhibaan Aareeye waxaa uu ku tilmaamay Madaxweyne Farmaajo Nin aan ka jawaabin abaalka muhiimka ah ee ay Jamhuuriyadda Jabuuti u gashay federaalka Soomaaliya iyo Farmaajo-ba, waxaanu Xildhibaan Aareeye Jabuuti ugu baaqay inay Soomaaliye beddelkeeda wax la qabsato Jamhuuriyadda Somaliland oo gacan iyo garab-ba uga baahan, abaalkana aan gedi doonin sida uu hadalka u dhigay Xildhibaanku, isaga oo sidoo kale Farmaajo ku dhalliilay inaanu ka hadal colaadda u dhaxaysa Eriteria iyo Jabuuti.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka https://youtu.be/W83aXJt2AkM Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|