Ciidanka Dab-demiska Oo Ku Guuleystay Daminta Dab Ka Kacay Guri Xaafada Boqol Iyo Kontonka Ee Magaalada Hargeysa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ciidanka Dab-demiska Oo Ku Guuleystay Daminta Dab Ka Kacay Guri Xaafada Boqol Iyo Kontonka Ee Magaalada Hargeysa.
August 15, 2018 - Written by Editor:

Hargeysa(W,N)   Ciidanka Dab-demiska Caasimada Hargeysa ayaa galabtii maanta lagu soo wargeliyay dab ka kacay Xaafada Boqol iyo Kontonka ee Degmada Ibraahim Koodbuur.

Dabkan ayaa noociisu ahaa guri daara kaasoo ka koobnaa Laba Qol, waxaana Gubtay Qolka Cunto karinta ee Kijjada, waxaana yaalay halkaa kabadh iyo Sariir kuna gubtay Kijada.

dab 2

Ciidanka ayaa ka hawlgalay dabkaa waxaana ciidanku ku guuleystay daminta dabkaaa iyadoo ciidanku ku xakameeyay dabkaas isla halkii uu ka bilaabmay, sidoo kale ciidanku wuxuu dabkaa ka xakameeyay guryo badan oo ku hareeraysnaa gurigaas dabku ka bilaabmay.

dab 1

Hawlgalkan ayaa waxaa hogaaminayay Hogaanka Hawlgelinta Ciidanka Dab-demiska Qaranka Taliye Cabdifataax Maxamed Xaashi(Sulux) iyo dhamaan saraakiisha ciidanka oo hawlgalkaa iyo daminta dabkaa ku guuleystay.

dab 3

Laamaha amaanka iyo maamulka degmada Ibraahim koodbuur ayaa iyaguna ciidanka dabdemiska Qayb kala ahaa Hawlgalkan Daminta dabka, kuwaasi oo badanaaba kala hawlgala ciidanka hawlgalada.

Warbaahinta Ciidanka Dab-demiska Qaranka JSL

Hargeysa/Somaliland.

 

Emergency Call-990

 

Facebook/Twitter/Skype/Ciidanka Dab-demiska

COMMENTS
LINKS