|
|||||
WAJAALE NEWS
Chelsea oo durbaba tabtay goolhaye Thibaut Courtois
August 7, 2018 - Written by Reporter:Goolhayaha kooxda Chelsea Thibaut Courtois, oo lala xidhiidhinayay in uu ku biiro naadiga Real Madrid ayaana maanta soo xaadirin tababarka. Kooxda Blues ayaana ogayn xilliga 26 sano jirkan uu garooka ku soo laaban doono. Courtois ayaa ahaa cayaaryahan kooxa Chelsea tan iyo sanadkii 2011-kii, markii uu ka soo wareegay kooxda Genk oo ka dhisan dalkaasi Belgium. Weeraryahanka kooxda Chelsea Eden Hazard ayaa sidoo kale lala xidhiidhinayaa in uu ku biirayo naadiga Real, balse isagu maanta waa uu ka soo qeyb galay tababarka. Courtois ayaa loo magaacaabay goolhayahii ugu wanaagsanaa koobkii aduunka ee sanadkan uu marti galiyay Ruushka. Waxaa uu naadiga Chelsea u saftay 154 Kulan, 58 kulan oo kamid ahna wax gool ah lagama dhalin. Maalintii jimaca ahayd mar uu tabaraha cusub ee Chelsea hadlayay waxa u sheegay in uusan hubin in Courtois uu sii joogo doono kooxda iyo in kale.
Related posts:We Are Destroying Our Country By Our Own Hands!By Ibrahim Mead. ฤฐna Muuse Diiriye, Alla Doori Afkana Waa Yaqaan Waa Se Ka Agnaan.!!! ๐ฆ๐๐๐ฅ๐๐๐๐๐๐๐ ๐ฆ๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐ ๐๐ฅ๐๐ฌ๐๐๐ก๐๐ ๐๐ ๐๐๐ฆ๐๐๐๐ฆ๐ฌ๐๐๐ ๐๐จ๐๐ ๐๐๐ฅ๐๐ฌ ๐ฆ๐ข๐ข๐ ๐๐๐๐๐ฌ๐ ๐ ๐ ๐๐ ๐๐จ๐๐ ๐ ๐๐ข๐ข๐ก๐๐ ๐ ๐๐๐๐ซ๐ช๐๐ฌ๐ก๐๐... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
๏ปฟ |