Caqli Xumo Waa Tii Fircoon Lagu Cadaabey!W.Q Kaptanka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Caqli Xumo Waa Tii Fircoon Lagu Cadaabey!W.Q Kaptanka
August 26, 2018 - Written by Editor:

Ninka Ambulance-kii (baabuurka gargaarka degdega ah) gabadhiisu markay umusho lagu qaadayay dhacay ee haddana ku faraxsan iyo ka Bridge-ka kalajab ee ah meesha kaliya ee wuxu cuno iyo wuxu xidhiba ay usoo marayeen dalooliyay ee hadana isu haysta inay Cid waxyeeleenow caqli xumidaa ma wixii laga xishoon jiray ayaad adigu ku faantaa?

Bridge ka kalajab waxa uu u dhaxeeyaa Berbera iyo Sheekh waana Bridge ka ugu dheer dalkii laysku odhanjiray Somalia waa 92 Mitir waxa kusoo xiga Bridge ka baladwayn ku yaala waa Bridge kii ugu qaalisana gayigeena oo hadana si quruxbadan loo dhisay.

Waar waddaniyadii halkay martay caqligii iyo damiirkeenii halkuu ku danbeeyay. Ninka Ambulance service ka u samaynayay ee markuu xaalad degdega galo lagu qaadayay maanta dhacay ee halkuu ka dhuuman lahaa ee qajililahaa maanta baraha bulshada isasoo dhigayaa sidii heroes ka ama geesi waddankiisa wax usoo kordhiyay ma wuxu doonaya inuu sidaa halyay ku noqdo. Aduunka dadku wax way diidaan waa la cabankara cadaalad daro baahsan ayaa jirta wax tabasho waa la ogol yahay. Hadii Marka wax lagaran waayaba ay qolowaliba ku cadho burburto inay gooyaan kaabayaasha dhaqaale ee ugu dhow yaynu ku ciqaabaynaa sidan oo kale?

Ma caruurteenna iyo dumarkeena magaadiidkeena iyo safarkeena mise xukuumad ayaa sidan wax lagu yeelaya waar adigu miyaanad lahayn wadada Bridge ka Ambulance ka mise cidkale ayaa lahayd miyaanad adigu intifaacsan jirin mise gaalo ayaa isticmaali jirtay waar ilahay halaga baqo oo sidan ha laysku dhaamo oo dadkan dhangagaalaha ah aan wacyi galino. Waxan xasuustay heesta khadra Dahir qaado ee tidhaahda ( Caqlixumo Waatii Caadiyo Fircooniyo Dirkii Nuux Ku caasiyay Cawda loogu gooyee!)

Allah Mahad leh.

Abdiqani Salaf.

Gaadhkawadanka@gmail.com

COMMENTS
LINKS