|
|||||
WAJAALE NEWS
“Caarre Cidi May Durin Manay Danqaabine Kibir Iyo faaq Baa Ka Tuuray Meel Daran”. Siyaasi Cali Guray.
August 29, 2018 - Written by Editor:“Caare Ugu Dambaysta Wuu Soo Noqon Goor Ay Noqotaba Isagoo laga Reebtay Dhawrka Tignikada ah Oo Cadaysimo Ah.”Cali Guray.HARGAYSA(W,N) Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo kamida xubnaha sar sare ee xisbi xaakimka kulmiye ayaa markii uhoraysay ka hadlay arinta Col Caare oo dhawaan ka goostay Ciidanka Somaliland xiligana ku sugan Puthland Bilaabayna Qorshe Qaranka kasoo Horjeeda. Siyaasi Cali Guray Oo Barta uu ku Leeyahay Xidhiidhka bulshada ee facebooga wuxu soo dhigay qoraal kooban oo uu kaga hadlayo arinta Caare iyo kala duwanaanshaha Somaliland iyo maamulka Puthland isagoo soo qaatay khilaafkii Cade Muuse iyo Cabdilaahi Yuusuf Doorkii Somaliland ay ka qaadatay iyo xiligan Aragtida Maamulka Puthland Ee Caare HALKAN KAGA BOGO QORAALKA CALI GURAY OO UDHIGNAA SIDAN; SOO KACA BADDA AAN SALAANEE. Caare iyo Cali Gurey Guryosamo iyo Lamadega ninba Tuu Doortay wuxu ka helo horta waa ayaankii. Gari Allay taqaane Caarre cidi may durin manay danqaabine kibir iyo faaq baa ka tuuray meel daran. Waa halkii uu Faysal Cumar Mushteeg yaabay uu yidhi MA HADDAAN GALAY QAABULQAWSAYN markii Buraan iyo Qandala iyo meel baas laga tuuray. Xataa ilaa dawladihii hore ninka loo bedelo Bariga qaarkii wuxu ahaa nin la ciqaabayo ee nin wanaag lala damcay oo loo tudhayo weligii looma bedeli jirin haddii uu yahay shaqaale dawladeed. Waa dhulkii markuuu Jaadna waayay faysal uu lahaa: WAA MEEL NIN MIRQAAN KU NACASOOBEE NACDALI HA KORTEE BARAAN NACAY. Dee imika xiligu xiligii maaha Caareba waa ta haysa dayuuradaa u kala goosha nin mirqaan ku nacasoobi maayo. Waar horta Puntland iyo Somaliland isku si maaha. Waxa is dilay Cabdillahi Yuusuf iyo Cadde Muuse markaasaa ninkii reer Boqor Cismaan lala soo kacayo isagoo ciidankiisii wata ayuu xadka Somaliland naf xaraarihii ka soo gudbay. Markay SSDF wada ahaayeen ee SNM Itoobiya ugu tegeen ninkii sedexdii boqol ee Akm ee Liibiyaanka ahaa ee afka carabigu ku dhignaa SNM siiyay muu ahayn Cabdillahi Yuusuf ee Cadde Muuse ayuu ahaa. Reer Sheekh Isaxaaq nin maalin irbad dun u geliyay ama hoo iyo hiil mid uun tarayna weligood ma iloobaan oo waa lagu yaqaan. Colaadii Majeerteen dhexdiisa ahayd sidii Somaliland dawlad iyo hogaamiye dhaqameedba ay ka yeeleen waa la ogaa maantana reer Puntland Caare ayay buunbuuninayaan Jeegaan bay sheeg sheegayaan aan wax iyaga ka galay jirin. Caare ugu dambaysta wuu soo noqon goor ay noqotaba isagoo laga reebtay dhawrka tignikada ah oo cadaysimo ah oo kabna lulaya kabna laalaadinaya eh iska suga. Oo hadaa ma waxa filaysaan in lagu yidhaa iska qaado gawaadhida dabka ridana oo ciidankaagii kula noqo anaga hana lagu soo rido eh. U malayn maayo laakiin Cadde Muuse qori lagama reebin. Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|