|
|||||
WAJAALE NEWS
Boobkii ganacsiga ajaanibta ee Koonfur Africa oo wali halkiisii ka sii socda
August 31, 2018 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN) – Wararka ka imanaya dalka Koonfur Africa ayaa sheegaya in maanta oo kaliya lagu boobay deegaan 120km u jira magaalada Cape Town dukaamo ay leeyihiin ganacsatada Soomaalidu. Arrintan ayaa ka danbeysay kaddib rabshado xoogan oo labadii cisho ee la soo dhaafay ka dhacayay xaafadda Soweto ee magaalada Johannesburg oo sida la sheegay dad u badnaa budhcad ay cagta mariyeen dukaamo ay lahaayeen dad ajaanib ahi. Dhacan ugu danbeeyay ee laga soo sheegayo Koonfur Africa ayaa lagu boobay ilaa saddeed dukaan oo ay lahaayeen ganacsato isugu jirta Soomaali, Itoobiyan iyo Bangaladheesh. Ganacsatada Soomaalida ayaa dalbanaya in si deg deg ah arintan u soo faragaliso dowladda Soomaaliya. Ciidamada Booliiska Koonfur Africa ayaa iyagu u muuqda kuwo aan danba ka laheyn waxa dhacaya, waxey-na ganacsatadu sheegeen in meelaha qaar dukaamada hortooda lagu boobayo ciidamada.
Related posts:Culimo Awdiinta Somaliland Oo Ka Hadlay Khilaafka Siyaasadeed Ee Dalka Iyo Nuxurka Qodobada Ay Soo S... DAAWO ; kooxda Xidigaha Geeska Oo Soo Saaray Hees Cusub Oo ay kula Hadlay Bulshada Somaliland Iyo ... Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo Sharraxay Cashuuraha Lagu Soo Rogay Warbaahinta Madaxabanaan, Baa... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|