“Bixitaanka Jabhada Caarre Waxa Ay Qayb Ka Tahay Cadaalad Darada Somaliland Ka Jirta”.Xuseen Axmed Cabdule | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Bixitaanka Jabhada Caarre Waxa Ay Qayb Ka Tahay Cadaalad Darada Somaliland Ka Jirta”.Xuseen Axmed Cabdule
August 31, 2018 - Written by Reporter:

Ceerigaabo (WJN)– Wasiirkii hore wasaarada Biyaha Somaliland Xuseen Axmed Cabdule ayaa waxa uu ka hadlay xaalada nabad geliyo ee gobolka Sanaag isagoo bulshada ugu baaqay inay nabad geliyadooda ilaashadaan.

Sidoo kale Siyaasi Xuseen Axmed Cabdule ayaa waxa kale oo uu ka hadley jabhada uu hogaaminayo Kornayl Caarre waxaana uu sheegay in cadaalad darada ka jirta Somaliland ay qayb ka tahay bixitaanka Jabhadaasi balse loo baahan yahay in nabad lagu dhameeyo, waxaana uu xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi u soo jeediyay in ay waxka qabato tabashooyinka laga tirsanayo xukuumadiisa, isagoo sheegay in xukuumadiisa iyo saraakiisha ciidamadu ay noqdeen Jeegaaan.

Dhanka kale Siyaasi Xuseen Axmed Cabdule ayaa waxa uu ka hadlay kala fogaanshaha ka dhashay bulshada Somaliland xiligii ololaha doorashooyinka waxaana uu tusaaleeyay kalmadihii uu Madaxweyne Muuse Biixi ku ololaysn jiray.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

https://youtu.be/rF6AKW047V8

COMMENTS
LINKS