Al-shabaab Oo Soo Bandhigay Muuqaalkii Ugu Horeeyay Ee Weerarkii Saldhiga Ciidan Somaliya Ee Barriire Iyo Hub & Gadiid Dagaal Oo Ay ka Qabsadeen. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Al-shabaab Oo Soo Bandhigay Muuqaalkii Ugu Horeeyay Ee Weerarkii Saldhiga Ciidan Somaliya Ee Barriire Iyo Hub & Gadiid Dagaal Oo Ay ka Qabsadeen.
August 24, 2018 - Written by Editor:

MUQDISHO(W,N)  Ururka  Al-shabaab ayaa markii ugu horeysay warbaahinta u soo bandhigay hub iyo gadiid dagaal oo ay ku qabsadeen weerar bishii August sanadkii hore 2017 lagu qaaday saldhig ciidamada xoogga dalka somaliya ay ku lahaayeen deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

hub 3

Weerarkan oo labada dhinacba uu khasaare xoog leh ka soo gaadhay ayeey Al-shabaab ku furteen hub gaadiid dagaal iyaga oo ugu danbeyntii warbahinta u soo bandhigay.

hub 2

Al-shabaab oo barahooda bulshada oo galiyay muuqaal soconayay wax ka badan 30 daqiiqo ayaa lagu soo bandhigay gadiid dagaaal nooca CabdiBilaha ah ee la saaro qoryaha iyo walibaa gaadiid caafimaad.

hub

Weerarka Al-Shabaab ku qaaday Bariire ayaa waxaa lagu bilaabay gaadhi wax-yaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo uu kaxeynayay nin naftii hure ahaa oo gaadhiga ku qarxiyay afaafka hore ee Xerada.

Al-shabaab ayaa sanadihii ugu danbeeyayba weerarro joogta ah ku hayay xarumo ciidamada dowladda iyo kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, waxaana ay xeeldheerayaasha arrimaha militer-gu qabaan in Al-shabaab weeraradaa ka hellaan hub iyo gadiid faro badan, kuwaasi oo marka danbe lagu arko goobaha ay ku sameeyaan dhuula-tuska.

COMMENTS
LINKS