|
|||||
WAJAALE NEWS
Abiy Ahmed oo qorshaynaya in uu 1000 qof oo Soomaalida Itoobiya ah La Kulmo
August 22, 2018 - Written by Reporter:Addis Ababa (WJN)- Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa waxa uu ku tala jiraa inuu Jimcaha kulan la qaato dad gaadhaya ilaa 1000 qof oo ah Soomaalida Itoobiya. Dadkaas ayaa 700 oo ka mid ah waxaa la sheegay in ay imikaba ku sugan yihiin Addis ababa. Wararku waxay sheegayaan in laga soo uruuriyey deegaannada ay Soomaalidu degto ee Itoobiya, oo aanay ka tirsanayn xubnaha xisbiga haya talada kililka iyo maamulka. Lama oga hadalka uu Abiy Ahmed u jeedin doono waxa uu yahay, balse waxa la filayaa inuu la xidhiidho isbeddellada deg dega ku socda ee ka socda DDSI iyo rabshadihii ka dhacay magaalooyinka Soomaalida.
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|