5 tii Golaha Sare ee Kacaanka Afweyne iyo 5 tan Kacaanka Kulmiye! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
5 tii Golaha Sare ee Kacaanka Afweyne iyo 5 tan Kacaanka Kulmiye!
August 28, 2018 - Written by Reporter:

Waxaynu ognahay taariikhdii iyo hab-dhaqankii foosha xumaa ee  ee kaligii taliye Afweyne cahdigii uu ka  talinaayey dalkii la isku odhan jiray Somaliya iyo waliba ficiladii kibirka, islaweynida, isasareysiinta, istusnimada ku qotomay uuna ula baxay magacyada badan oo ay kamid ahayd SHANTII GOLAHA SARE EE KACAANKA.  oo uu ku dhajiyey sawiradooda meel wal oo magaalooyinkii dalka ahaa. Waa astaamaha lagu yaqaan nidaamka faashiga ah ee ku dhisan kali-talisnimo iyo kibir.
Waana jidka ummad iyo qaran u horseeda inuu burburo,  shacabkuna noqdaan kuwa kala qaybsan  , kuwa ku raacsan habdhaqanka nidaamka jira iyo kuwa lidi ku ah .  taana waxaa tusaale inoogu filan taliskii dhiig-yacabka ahaa ee uu hormoodka ka ahaa Siyaad Bare.

Haddaba,  wakhtigan waxaan inoo muuqda oo dadkii aynu dalka u dooranay ka muuqda sifihii Siyaad bare oo kale iyo sansaantii uu lahaa ee u horseeday inuu burburo.

Shantii sawir ee Siyaad ugu yeedhay shanta golaha sare miyuuna lamid ahayn shantan Kacaanka Kulmiye meel walba ku dhajiyey 28 kadib burburkii Dawladii Afweyne. Dad badan ayay markay sawirkan arkaan dib u xasuustay baryo samaad iyo taariikhdii madow bayd ee dalkan iyo dadkani soo mareen.

Waxaan ku soo afjarayaa; jidkan uu cagta saaray nidaamkan dalka aynu u dooranay waa mid horseedi kara burbur  hor leh  oo qaranka ku yimaad, hadduuna wax ka badalin habdhaqankan foosha xun.

Qalinkii: Cabdirasaaq Askar

COMMENTS
LINKS