|
|||||
WAJAALE NEWS
Xukuumada Somaliland oo Lix Urur Ka Madnuucday in ay Wadanka Ka Hawlgalaan iyo Sababta
July 5, 2018 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN)- Wasaarada qorshynta qaranka iyo horumarinta ayaa shaqadii ka joojisay lix urur oo ka hawl gali jiray Somaliland, kuwaas oo ay fartay inay u hoogaan samaan ruqsad kala noqoshada dawlada shaqadana joojiyaan. Waxaana ku saxeexnaa shaqo ka joojinta ururadan wasiir ku xigeenka wasaarada qorshaynta qaranka iyo horumarinta Eng. Xuseen Ibraahin Buuni, waxaanay qoraalka wasaarada ka soo baxay uu u dhignaa sidan “ Wasaarada qorshaynta iyo horumarka qaranka markii ay u cadaatay in ururada hoos ku qoran ay baal mareen, nidaamka sharciyeed ee u yaala ururada samafalka aan dawliga ahayn, waxay baadhitaan kadib ay go’aansatay in laga bilaabo maanta oo ah Arbaca kuna taariikhaysan 4 bisha todobaad sanadka 2018-ka ay ruqsadii ay ku hawl galayeen ay kala noqotay ururada hoos ku qoran, isla markaasna ay ka joojisay dhamaan shaqooyinkii ay dalka ka wadeen. 1-Somaliland Lifeline Organization 2-Jub Foundation 3-Active In Development Aid 4-Somali Relief Development Action 5-Agency for Peace And Development 6-Himilo Organization for Development Wasaarada qorshaynta iyo horumarinta qaranku waxay ku wargalinaysaa dhamaan cid kasta oo ay qusayso inay sidaas ula socdaan,isla markaasna ay fuliyaan wareegtadan -Wasaarada qorshaynta iyo horumarinta qaranku waxay faraysaa dhamaan ururada shaqada laga joojiyay, isla markaasna lagala noqday ruqsada inay fuliyaan amarkaas, joojiyaana dhamaan shaqooyinkii ay wadeen.”
Related posts:“Ceelasha La Tijaabiyay Ee La Yidhi Intaas Oo Biyo Ah Ayay Soo Saarayan, Madaxwayne Ku-xigenkuna Qaa... DAAWO; Bulshada Ku Dhaqan Magaalada Ceerigaabo Oo Si Adag Uga Soo Horjeestay Xaalada Deg Dega ah DAAWO;-Odoyaasha Iyo Waxgaradka Degmada Arabsiyo Oo Xukuumada Ugu Baaqay In Ay Ka Qayb Qaadato Dhism... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|