|
|||||
WAJAALE NEWS
Xildhibaan Siciid Cartan Oo Soo Bandhigay Dhibaatooyin Ay Shirkada Dp World U Geystay Dekada Berbera
July 16, 2018 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN)- Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan oo ka mid ah mudanayaasha aqalka golaha Wakiilada Somaliland ee laga soo doorto gobolka Saaxil ayaa waxa uu soo jeediyay in dib loo eego heshiiska Dekeda Berbera lagula galay Shirkada DP World. Xildhibaan Siciid Cartan oo ka hadlayay fadhiyay ay maanta yeesheen mudanayaasha golaha Wakiilada Somaliland ayaa waxaa uu shirkada Dp World ku eedeeyay in aanay ilaa iyo hada jirin wax ay ka qabatay Dekeda Berbera islamarkaana qalabkii lagu wareejiyay qaar ka mid ah ay fadhiisteen. Dhanka kale Xildhibaan Siciid Cartan ayaa waxa uu ka hadlay kulan ay masuuliyiinta Khaatumo ku yeesheen magaalada Laascaanood isagoo sheegay in ay iska garab dhisan yihiin laba baarlamaan.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka https://youtu.be/Hu8MnLmJQPc Related posts:Daawo:Ururka Suxufiyiin Somaliland Ee Solja Oo Ka Dhawaajisay In Suxufiyiinta Somaliland Ka Hawlgala... Dawladda Somaliland Oo Ka Hadashay Halka Ay Ka Taagan Tahay Xiisadaha Siyaasadeed Ee Mandaqadda Ka A... Magalada Burco Oo Maanta si Baladhan Looga Ciiday Munaasibada Ciidul Udxa iyo Wasiirka Cadalada S... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|