|
|||||
WAJAALE NEWS
Xildhibaan katirsan baarlamaanka Israa’iil oo isu casilay sharci dhawaan la ansixiyay awgiis
July 29, 2018 - Written by Wariye:
Zouheir Bahloul, 67 jir ah ayaa ku tilmaamay xubnaha baarlamaanka Israa’iil cunsuriyiiin dhibaata gaysanaya oo ansixiyay sharci kasoo horjeedo in luqadda Carabiga ay ahaato luqadda rasmiga ah ee Israa’iil. Wuxuu u sheegay telefishinka Israa’iil ee Reshet in sharcigan uu bulshada carabta ka saaraya xaqii ay ku lahaayeen Israa’iil. Hindise-sharciyeedka ay qalinka ku duugeen baarlamaanka Israa’iil waxaa caro iyo dibadbax ka muujiyay bulshada carabta laga tiro badan yahay ee halkaasi ku sugan. Sidoo kale xubnaha baarlamaanka carabta ee Israa’iil ayaa jeexjeexay hindise sharciyeedka, waxayna ku dhawaaqayeen hadallo ka dhan sharcigan ka hor inta aanan laga saarin kalfadhiga. Bahloul wuxuu yiri ” waxaan iska casilaya xilkayga xildhibaanimo sababtoo ah uma dulqaadan karo in aan halkan sii fadhiyo intii aan u codayn lahaa cunsurinimo iyo in aan taageero baarlamaan mintid ah” Kaddib markii la meel mariyay sharciga muranka dhaliyay, Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu wuxuu ku tilmaamay mid xoojinaya jiritaanka iyo taarikhda dalkiisa. Bulshada carabta ee Israa’iil ayaa u arkaa sharcigan inuu yahay bahddil ka dhan ah sharaftooda .
HARGAYSA OFIICE WAJAALENEWS.NET WARIYE ABDIQADIR HABBANE Related posts:DAAWO; Gudoomiye Ramaax Oo Amaawiir Cul Culus Dhuldhigay Shaqaalaha Dawlada & Warbaahinta Maxaliga ... Saadaasha Fursadeed Ee Gudoomiye Cirro u Haysto in Uu Noqdo Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaliland. Daawo: Munaasibad Ay Xilka Kula Kala Wareegayen Gudoomiyihii Hore Ee Gobolka Maroodi-jeex Iyo Gudoom... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|