Weerar Is Qarxin Ah oo Lagu Qaaday Madaxtooyada Soomaaliya | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Weerar Is Qarxin Ah oo Lagu Qaaday Madaxtooyada Soomaaliya
July 14, 2018 - Written by Reporter:

Muqdisho (WJN)- Qaraxyo is xigay iyo rasaas ayaa la sheegay in laga maqlay agagaarka madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho abaaro 12kii duhurnimo.

Qaraxa hore ayaa ka dhacay meel u dhow waddada gasha madaxtooyada ee ka timaada Ceel Gaab, waxaana ku xigtay rasaas xoog leh oo halkaa ka dhacaysay.

Qaraxa labaad ayaa ka dhacay waddada labaad ee ka timaada dhanka Shineemo Afrika.

Rasaasta oo la rumaysan yahay inay is weydaarsanayaan ilaalada madaxtooyada iyo qolyaha weerarka qaaday ayaa laga maqlay aaggaas, ilaa iyo guriga hooyooyinka.

Weli lama oga khasaaraha, laakinse waxaa la sheegay in qaraxyada loo adeegsaday gaadiid waxyaabaha qarxa laga buuxiyey.

Qiiq ayaa ka muuqda goobta ay qaraxyadu ka dheceen.

Qaraxyadan iyo rasaasta la is weydaarsanayo ayaa ku soo beegmaya ayadoo todobaadkii hore weerar noocaas oo kale ah ay Al Shabaab ku qaadeen xarunta Otto Otto oo aan ka fogeyn halka uu weerarka maanta ka dhacay.

Wixii ku soo kordha wararkaas halkan kala socda.

 

_102525902_qaraxiilabaad 2018714636671445104246082qarax--696x392

 

COMMENTS
LINKS