|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland oo Kulan La Qaatay Dhigiisa Itoobiya iyo Nuxurka Qodobo Ay Ka Wada Hadleen
July 12, 2018 - Written by Reporter:Addis Ababa (WJN)- Wasiirka Arimha dibada Somaliland dr. Sacad Cali Shire oo safar shaqo ku jooga dalka Itoobiya ayaa waxa uu kulan la qaatay dhigiisa Arimaha Dibada dalka Itoobiya. Kulankan oo saacado badan qaatay ayaa waxa ay kaga wada hadleen sidii labada dawladood u sii wada xoojin lahaayeen cilaaqaadka ka dhexeeya daladaha Somaliland iyo Itoobiya. Wasiirka Arimha Dibada ayaa waxa uu dawlada Itoobiya u soo bandhigay fursado ganacsi oo ka banana dawlada Somaliland, sidoo kale wasiirku waxa uu dhigiisa kala hadlay sidii loo fududayn lahaa isu socodka labada dal maadaama ay labada wadan ay yihiin danwadaag. Dhanka kale Xukuumada Somaliland ayaa waxa ay u muuqataa in ay inay ka faa’idaysato isbedelka hanaqaaday ee ka bilaabmay dalka Itoobiya kaas oo saamayn ku yeeshay wadamada Geeska Afrika.
https://youtu.be/T5Vhf5x–4o Related posts:Madaxweyne Ku Xigeenka Jsl Oo Ka Qeyb-galay Aaska Marxuum Xildhibaan Axmed Cabdi Casood Oo Ka Mid Ah... Suldaanka Guud Ee Beesha Ciise Muuse Oo Lagu Soo Dhaweeyay Deegaanada Udhexeeya Hargaysa Iyo Berbera... Ciidanka Booliska Gobolka Togdheer Oo Soo Bandhigay Maandooriye Iyo Hubka Fudud Oo Ay Soo Qabteen. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|