Hargeysa (WJN)- Wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye ayaa waxaa uu shaaciyey in ay saddex qof ku geeriyoodeen, isla markaana shan qof oo kale ay ku dhaawacmeen dagaalka saaka deeganka Ceeriyaan ee konfurta Ceerigaabo ku dhex maray laba beelood oo halkaasi wada dega.