|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasaarada Shaqo Gelinta iyo Taliska Guud Ee Ciidanka Socdaalka Somaliland oo Daah Furay Kulan Lagu Iftiiminayo Xuquuqda Caruurta Xuduudaha Ka sOo Gala
July 25, 2018 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN)- Wasaarada Shaqo gelinta iyo Arimaha Bulshada Somaliland iyo xubanaha Taliska guud ee Ciidanka Socdaalka Somaliland ayaa waxaa ay maanta kulan balaadhan ku yeesheen magaalada Hargeysa. Kulankan oo ka qabsoomay Huteel Bacaado ee Magaalada Hargeysa ayaa waxaa ka soo qayb galay Masuuliyiin ka socday Wasaarada Shaqo gelinta iyo Arimaha Bulshada, Xubno ka mid ah Saraakiisha Taliska Ciidanka Socdaalka Somaliland iyo Masuuliyiin ka socday Hay”adda Caruurta Adduunka ee UNICEF, Waxaana kulankan lagu gorfaynayay dardar gelinta qorshayaasha kala duwan ee ku aadan qaababka loola macaamilo Da,yarta yar yar ee ka soo gudba xuduudaha Somaliland iyo kuwa ku sugan Dalka. Kulankan oo uu furay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Shaqo gelinta iyo Arimaha Bulshada Somaliland Maxamed Aadan Ilkacase ayaa waxaa uu ugu horayn sharaxaad dheer ka bixiyay ujeedka kulanka.
Related posts:DAAWO;-Warbixin Jawigii Golaha Wakiilada Ee Ansixinta Lixda Xubnood Komishanka+Diidmada Xisbiyada Mu... Gudoomiyaha Haayada Qaxoontiga Iyo Barakacayaasha Oo Magaalada Boorama Ka Dhagax Dhigay 55guri Oo Lo... Wasaarada Hawlaha Guud Oo Hargaysa Ku Qabatay Kulan Lagu Gorfaynayo Siyaasada Wasaaradaasi Ee Sannad... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|