WAR DEG DEG AH; Safiirka Somaliland U Fadhiya Dalka Ethiopia Oo Weerar Gacan ka Hadal ah Ku Qaaday Xildhibaan Dhawaan Dhaliilay Shaqada Safaarada Iyo Wixii Kala Qabsaday! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
WAR DEG DEG AH; Safiirka Somaliland U Fadhiya Dalka Ethiopia Oo Weerar Gacan ka Hadal ah Ku Qaaday Xildhibaan Dhawaan Dhaliilay Shaqada Safaarada Iyo Wixii Kala Qabsaday!
July 7, 2018 - Written by Editor:

HARGAYSA (W,N) Safiirka Somaliland U fadhiya Dalka Itoobiya Ambassador Maxamed Xasan Cigaal  oo ku sugan magaalada Hargaysa ayaa caawa abaaro 7:15 ee fiidnimo wuxu huteelka Maansoor ee magaalada Hargaysa weerar afka ku qaaday xildhibaan Bashiir Sheikh Xuseen Tukaale oo ka mid ah Mudanayaasha  golaha  Wakiilada  Somaliland isla markaana dhawaan mar uu warbaahinta ka hadlay dhaliilay qaabka xiligan ay u shaqayso safaarada Somalland ee dalka Ethiopia.

amsadaor cigaal iyo tukaale

Wararka xogogaal ah ee aanu ka helayno dad goob joog ahaa wakhtigan ayaa sheegay in Ambasadoor Cigaal oo saacadaa la taagnaa mid ka mida wariyayaasha laanta af somaliga ah ee Idaacada  BBCda Wuu sheeda ka arkay xildhibaanka Bashiir  oo maraya meel agtiisa ah waxaanu cod dheer ku yidhi “beenaale beenaale” ma adigaa wax sheegi kara waan ku garaaci” sidaa waxa yidhi ambassador Cigaal oo xoog u cadhaysan .

Sidoo kale xidhibaan Tukaale ayaa isku dayay in uu salaamo  Ambassador Axmed Xasan cigaal wuxu kala laabtay gacantii isagoo ugu daray in uu ku waabiyo, sidaa waxa noo sheegay qof goob jooge oo ka cudurdaartay in magaciisa la sheego.

 

Sidoo kale waxaanu xidhiiidh la samaynay xildhibaanka wuxuna noo xaqiijiyay in ay arintani jirto islamarkaana uu safiirku si qaawan usoo weeraray, waxana uu yidhi “Arintaasi way jirtaa oo aniga oo huteelka Maansoor dhex socda ayuun buun meel gaaban igaga qayliyay Ninkaa safiirka ahi isagoo ku dhawaaqaya ereyo cay ah.

Dhanka kale waxaanu isku daynay in aanu la xidhiidhno Safiirka si aanu dhacdadan wax uga waydiino balse noomay suurto galin in aanu helno kadib markii aanu waynay tilifoonkiisa gacanta

Halkan xubno kale oo goobta ku sugnaa ay sheegeen in xildhibaanku marki danbe falkan kaga falceliyay ereyo kakan isagoo ugu hanjabay ambasadorka in ay gole ahaan bulshada uqaabilsan yihiin la xisaabkan masuuliyiinta xilalka qaran haya golahana looga yeedhi doono si wax looga waydiiyo xilka uu qaranka u hayo

Sikastaba ha ahaatee arintan ayaa noqonaysa mid ku cusub hab dhaqanka masuuliyiinta xilalka qaranka haya oo marka wax laga sheego shaqadiisa ku kaca fal noocan oo kale ah.

WIXII KASOO KORDHA ARINTAN KALA SOCO WAJAALEWS,NET

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

WARIYE XAMSE JIRDE.

COMMENTS
LINKS