|
|||||
WAJAALE NEWS
Taliyihii Ciidanka Military-ga Somaliland Ee Deeganka Taleex Oo Geeriyoodey iyo dhaawac Soo Gaadhay Maayarka Taleex
July 7, 2018 - Written by Reporter:Laascaanood (WJN)– Taliyihii ciidanka Millatariga Taleex ee Somaliland Saleebaan Cabdi Caatay ayaa geeriyooday kaddib markii isaga iyo saraakiil kale oo ka tirsan gobolka ay si kedis ah iyagoo safar ku jira ugu tallaabeen dhanka Puntland ee aagga God-qaboobe, Sidoo kale waxaa dhawaawac uu soo gaadhay Maayarkii degmada Taleex. Taliyaha iyo saraakiishii la socday markii ay u tallaabeen dhanka Puntland ayaa waxaa soo rasaaseeyay ciidamo ka tirsan Puntland waxaana halkaasi ku geeriyooday taliyaha kaddib markii gaadhigii ay saarnaayeen la qallibmay.
Related posts:Warbaahinta Gobolka Gabiley Oo Ka Hadlay Jidh Dil Ciidanka Boolisku Kula Kaceen Wariye Mukhtaar Nuux... Madaxweynaha JSL Oo Billado Guddoonsiiyey Saraakiil Katirsan Ciidanka Qaranka Oo Guulo Kasoo Hooyey ... “Waxaan Aad Ulayaabaa Runtii, Rag Badan Oo Leh, Halkii 82kii Aynu Maraynay Ayay Reer Laascanood Taag... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|