|
|||||
WAJAALE NEWS
Tacsi: Madaxweynaha JSL oo Shacabka Somaliland iyo Bahda Saxaafada Ka Tacsiyadeeyay Geerida Ku Timi Wariye Yoonis Cali Nuur
July 20, 2018 - Written by Reporter:Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, bahda saxaafadda, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Weriye Yoonis Cali nuur oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu ahayd20/07/2018, dalka Ingiriiska. Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey suxufi rug-caddaa ah oo ka baxay bahda sxaafadda Somaliland iyo guud ahaan inta ku hadasha afka-Soomaaliga, isagoo marxuumku ahaa muddo dheer suxufi u adeega bulshadiisa, una ahaa tusaale ku dayasho mudan kana tegay taariikh ma guuraan ah. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, bahda saxaafadda, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
Aamiin Aamiin Aamiin Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Related posts:Masuuliyiin Xukuumada Katirsan oo Xadhiga ka jaray Dhaam Biyood Laga Hirgaliyay Deegaanka Wado Makaa... Wadayaasha Gaadiidka Yar Yar Oo Cabasho Xoogan Ka Muujiyay Dawlada Hoose Iyo Shirkada Dhaweeye. “Taallo Dad Soomaaliyeed Bahdilaysa Maanaan Dhisin, Mana Dhisayno, Taallooyin Haddii La dhisayo Waxa... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|