“Sucuudiguna Raali Ha Ahaado, Qatarna Xaal Ha Qaadato! Hadda Iyo Wixii Ka Dambeeyana Labadooda Dhex Inaynu U Noqono…. Cali Guray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Sucuudiguna Raali Ha Ahaado, Qatarna Xaal Ha Qaadato! Hadda Iyo Wixii Ka Dambeeyana Labadooda Dhex Inaynu U Noqono…. Cali Guray.
July 14, 2018 - Written by Editor:

Siyaasi Cali Guray Oo Dhaliilay Xidhiidhka Somaliland La Leedahay Sucuudiga kuna Baaqay In Hada Wixii ka Danbeeya Jsl Dhex Ka Tahay Khilaafka Sucuudiga Iyo Qatar,  Wasiirka Arimaha Dibada Ku Eedeeyay In uu ka Gaabshay Xilkii Saarnaa Iyo Masuuliyadii Uu Umada Uhayay.

MEEL AAN LAGAA RABIN INDHAHA LALAMA SII RAACO!!

Ma run baa Boqortooyadii Sucuudigu waxay tidhi kiinu ma soconayo ee ka Muqdisho oo keliya ayaa soconaya eh ha ka doonato baasaaboor cidii rabta inay soo xajido? Hadii ay sidaa tahay anigu waxan u fahmay in fariinta Sucuudigu markaa tahay idinka ayaa bad galaye horta yaa idinku yidhi Sucuudiga iyo Qatar kala raaca oo dhinac noqda? Waar Somaliya oo dhan mawqifka Muqdisho oo keliya ayuun baa rasmi ah ma jiri karo mawqif kale oo Somaliland ay gaar u qaadan karayso oo xagayga macno ka samaynayaa. Markaa dee Sucuudiguna raali ha ahaado Qatarna xaal ha qaadato hadda iyo wixii ka dambeeyana labadooda dhex inaynu u noqono miyaanay ahayn? Mise Sucuudiga oo weli mawqifkiisii hore ee kuligiiba qaladka ahaa taagan oon dan iyo muraad ka lahayn Somaliland intii ay jirtayna aan marna wax macno leh tarin ayaynu iska daba hashlaynaa?

Faarax Nuur waxa laga hayaa MEEL AAN LAGAA RABIN INDHAHA LALAMA SII RAACO. Heshiiska DP World ee dekedda Berbera oo isagu aan siyaasad ahayn ee ku kooban dhinaca iskaashiga horumarinta dhaqaalaha mooyaane ilaa hadda arimaha kale ee siyaasadda iyo amniga la xidhiidhaa wax la fahmi karo maaha.

Wasiirka Khaarajigana mooye xaalkiisa waayo waa isaga ninkii la gorgortami lahaa cid kasta oo aynu irbad dun u gelinaba ee u soo goyn lahaa Somalilandna cadkeeda dadkana siyaasadda arimaha dibadda iyo sua’aalaha badan ee taagan u faahfaahin lahaa ee ka dhaadhicin lahaa laakiin nasiib darro waxad moodaa in dadka wax uu dheeryahayba aanay jirin. Soomaalidu waxay tidhaahdaa laxiba shilalkay is dhigtaa lagu qalaa markaa inta goori goor tahay hadii aynaan xidhiidhadeena arimaha dibadda dibu qiimaynin khasaare iyo faa,iidana hadba inta aynu ku jirno xisaabinin ma jirto cid kale oo iyadu wax iska keen siinaysaa. Waxad moodaa in lagu xisaabtamay Somaliland dad aan waxba garanayn wixii la doonana si dhib yar loo marsan karo waxay ku iibsanayaana aan garanayn ee dahab maar ahaan looga iibsan karo.

 

Qalinkii ;Cali maxamed Yuusuf (Cali Guray)

 

COMMENTS
LINKS