|
|||||
WAJAALE NEWS
“Somaliland Iyo Somaliya Ma Laga Yaabaa Inay Cashar ka Qaataan kulankan Madaxda Ethiopia & Eritrea Oo ah Laba Dal Oo Mar Isku Ahaan Jiray Dal keliya”Cali Guray.
July 8, 2018 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N) Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali guray) Oo kamida Siyaasiyiinta Reer Somaliland isla markana saadaaliya waxyaabaha ka socda geeska Africa Iyo guud ahaan Somaliland ayaa ka hadlay aragtidiisa safarkii raysal-wasaaraha dalka Etoobiya ku tagay dalka Eritrea oo mudo badan udhaxaysay colaad sobobtay dagaalo qadhaadh, kaasi maanta safar ku tagay magaalada Asmara isagoon halkaasi kulan kula yeeshay Madaxwaynaha Eritrea Isayes Afa Wargi. Siyaasi cali guray ayaa sidaa ku sheegay qoraal kooban oo uu soo dhigay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga wuxu su,aal galiyay in Arin Somaliland iyo somaliya ay ay waxka baran karaan. Isagoo Arimaasi ka Hadlaya Wuxuna yidhi; “Somaliland iyo Somaliya Ma laga yaabaa Inay Cashar ka Qaataan kulankan Madaxda Ethiopia iyo Eritrea oo ah laba dal oo mar Isku ahaan jiray dal keliya, oo isla ogolaaday inay laba dal kala noqdaan, ka dibna muran xadka u dhexeeya ahi dhexmaray oo keenay inay dagaalamaan. Maantana khilaafkii xadka labada dal soo af jaray sidaana ku heshiiyay? Anigu haa ayaan leeyahay waayo xagayga wax aan dhici karin ma jiro” Ayuu muj cali hadalkiisii kusoo koobay Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|