Siyaasi Cali Guray Oo Naqdiyay Hadalkii Wasiirka Arimaha Dibada Jsl Iyo Waxyaabaha Uu Saluuga Ka Muujiyay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Siyaasi Cali Guray Oo Naqdiyay Hadalkii Wasiirka Arimaha Dibada Jsl Iyo Waxyaabaha Uu Saluuga Ka Muujiyay.
July 18, 2018 - Written by Editor:

“Xaaladda Amniga Imaaraadku Weli Irbad Dun Ma Inoo Geliyeen? Ma loo Sheegay In Looga Baahan Yahay Inay Gacan Ka Gaystaan?Cali Guray.

“Wadadii kamuu Hadal Berbera Iyo Wajaale, Dhamaystirkeeda, Xataa Qodobadii Heshiiskii Oo Wax Badani Qabyo ka Ahaayeen Kamuu Hadal,”Cali Guray

“Wax waliba waa sidoodii wax isbedelay ma jiraan” aniga ima deeqdo wayo wax soo kordha ayaa loo baahna iyo wax isbedela oo sidii hore ka roon. Waxa keliya ee hadalka wasiirka aan ka soo qaaday uun in balaadhintii Dekedda Berbera ay bilaabmi doonto Oktoobar sanadkan laakiin taa lafteeda xaaladda Berbera sida hadda ay tahay hadii aan wax badan laga bedelin waxa jira dagnaasho badan oo carqaladayn kara habsami u socodka mashruuc kasta oo ka mid ah mashaariicda waawayn. Eeg mashruucu marka uu qorshe yahay waa wax qurux badan dhibaatona aan looga biqi karin waayo falcelin(reaction) ma jirto. Laakiin marka uu gaadho in dhulka laga fuliyo (implementation stage) waa markaa marka hadii aan lagu xisaabtamin falcelintu arimaha mashruuca gudihiisa iyo duruufaha ka baxsan ee ku xeeran labadaba way ka iman kartaa falcelintu. Sida xaaladda Berbera iyo awoodda maamul ee gobolka ay tahayna anigu werwer badan ayaan ka qabaa sida ay wax uga hirgeli karaan hadii aan loo diyaar garoobin. Maashaariicda Berbara cadawyo badan baa u dibin qaniinsan oo ku taamaya in aanay waxba ka hirgeline ee fashilaan dhan kastana way ka iman karaan. Markaa Alleh ha inoo sahal ayuun baynu odhan. Wadadii kamuu hadal Berbera/ Wajaale, dhamaystirka xataa qodobadii heshiiskii oo wax badani qabyo ka ahaayeen kamuu hadal, arimihii Saldhiga kamuu hadal, Madaarkii waynaa ee hore hadii Imaaradku la wareegay mid cusub baa la dhisayaa run iyo been mid ay noqotay kamuu hadal. Xaaladaha gobolka iyo isbedelada cusub caqli maaha wax saamayn ah inaguma yeelanayaan way inagu yeelanayaan waana sax inay inagu yeeshaan oo mid taban ama togan inagu yeeshaan. Waana sida aynu uga shaqaysano ee teena u iibin karno. Markaa wax waliba waa sidoodii dee inay ahaadaan may ahayn wax isbedelay ma jiraan dee inay jiraan bay ahayd oo waa la sugayay inay wax isbedelaan xataa waxaa la kala waday ee wax waliba ay gacanteenii ka baxeen ee cido kale la wareegeen maxay shaqo abuur keeneen ama keeni doonaan cid ka jawaabi karta ayaa loo baahan yahay.

Xaaladda Amniga Imaaraadku weli irbad dun ma inoo geliyeen? Ma loo sheegay in looga baahan yahay inay gacan ka gaystaan? diyaar ma u yihiin mise uma aha? waa in la ogaadaa waayo waxay inoo abuureen cadawyo badan, gaar ahaan saldhigga aynu u ogolaanay iyo weliba xulafadooda aynu taageernay oo u muuqata kuuma yeedhin aduun baa yimi.Waxaas oo dhan iyo in kaloo badan ayaa wada sua’aalo taagan ah. Tukeraq baynu ku xiiqnay ee marka dhan walba lagaa soo galo ee sagaal front lagugu furona maxaa talo ah? Siyaasad ahaan iyo diblomaasiyad ahaanba Somaliland duulaan inay ahaato oo aanay mar keliya weerarka dhimin ayay ahayd Sacadna waa nin wanaagsan haa waa run waa nin wanaagsan aniga ayaaba qiraya laakiin doorkan armuu ka xumi dhaamaa ee qarjajaaska ihi ama aan cidna u habranayn hadii uu kaasi ka xun yahay.

SIYAASI CALI MAXAMED YUUSUF (CALI GURAY)

COMMENTS
LINKS