Shirkii Gacan Libaax-ina Yaw illaahay ibaday Uurka ha ii dabin. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shirkii Gacan Libaax-ina Yaw illaahay ibaday Uurka ha ii dabin.
July 6, 2018 - Written by Reporter:

Shirkii GACANLIBAAX wuxuu ahaa nasteexo qaran, labadii reer ee lagu soo casuumiwaayey waxay ahaayeen labadii reer ee qalooca Somaliland ka jira lagu eedaynaayey oo hadday yimmaaddaan la iska garanayey inay doc ka yeedh noqon lahaayeen dabadeed a nabad gelyadooda awgeed hangool faraaro leh la iskaga qabtay haddaan sidaa la yeeli na SHIRKA way shaashayn lahaayeen. Waxaa caddaatay in Garxajis weyne weli caqligii lagu yiqiin qabo oon shaqo la, aanta badani wax yeeli weli. Ha u qaadan ina inaan anigu Garxajis ahayd, waayo misunderstanding.

Maqaalada aan qori dad badan baa ka soo jawaaba iyagoo cadhaysan oon dareensanayn in inaga (Somaliland iyo Somalia) dood weyn ina dhex taal, dawlado ahaan iyo mujtamac ahaan oo ay mudantay in doodaa loo bislaado, wax AKHRI badan la sameeyo oo xagga Taariikh ayaa. Dood weyn baa Somaliland reeraheeda iyo goboladeeda dhex taal oo mudan in la cilmiyeeyo oo dadka (cream) waa (elite) ka e si huffan uga doodaan wannaajinta wadanka kana soocnaadaan wax a garatada reeraha loo qayb qaybiyo ee insha sarcaadka siyaasadda khaayal wadanku ku shaaqaystaan lagu ka soo soco. SHIRKA GARXAJIS sideed qodob ee ka soo baxay ee ku WAA jahan Madaxweyne Muse Biixi micnahoodu waa gabaygii Abawaanku boorta dusheeda ka tiriyey ee uu lahaa ‘ KOL HADDAANAN KUGU EEGI HAYN CADAW KU SOO AADA. INA YAW ILLAAHAY I BADAY UURKA HA II DABIN. shirkaa sideed da qodoba waa nasteexo dad iyo dal laakiin kuwa caadaystay inay xummaanta ka dhex kaluumaystaan markii (contaminated) Bay qodobada Garxajis u rogroyaan.

Maanta wadanku Siyaasad iyo dhaqaale ahaan ma joogo halkii uu joogay Xukuumaddii uu SIILAANYO ka XANUUNSADAY ee is bedelo is daba JOOGA ayaa jira gudo iyo debedba. Waxaa ka mida isbedelka Ethiopia, ka Somalia, ka dagaalada SOOL, ka Suleiman ka guurtida oo gaboobay, Gudoomiyaha Baarlamaanla oo hoos u taageersan Puntland, Gobolka SOOL oo isbedel ka socdo. Mujtamac reer Somaliland inay ka guuraan inay u ceeshaan u a noolaadaan sida Waraabe yaasha iyo xayawaanka u eryadaan nolol maalmoodkooda ah hebel intuu boobay ama reer hebel intay boobeen ee dadka (elite) ka u fikiraan sida wadamada jaararkoodu sida ay u fikirayaan u fikiraan oo ugu hoaysiiyaan ilaalinta(environment) ka iyo danta guud ee Somaliland oo qawlaysata wadanka madaxweynuhu is hortaago Imikaba tallaabooyin badan oo wacan buu QAADAY oo ay ugu horayso Madaxtooyada dhaqankii xumaa ee ka Socon jiray oo wax badani iska bedeleen. Wasiiradii khasanda Wasaaraddaa aqalada ku dhisan jiray ee madaxtooyadii waxaa u fasax jirtay oo uu joojiyey. Mashaariicdii kootada oo yaraaday. WELI dhibaatooyinka reerraysan I wey badan yihiin oon wadanka ku wada Socon karin In laakiin madaxweynaha waqti la siiyo uu qaloocii xumaa ee Siilaanyo wadanka gaadhsiiyey si loo kala guro. Haama petrol ka waa in shicibka laga soo celiyaa oo GACANTA Dawladda lagu celiyaa waayo wadanku dagaaluu ku jiraa. Warshadahu waa la mid. Dad badan baa aragti aad u qaldan oo ah dabaqado ayaa samaysmaya sida reer yurub ah oo in yar oo billionaire ah baa samaysmaya waa figrad beena. Reer yurub in mujtamacooda iyo is xukunkoodu halkuu maanta marayo soo gaadhaa waxay ku soo qaadatay shan kun oo sano, Mar qudha sidoo da kuma noqon karno hebeelaw keligaa bariiska keen iyo sidaa si deer. Adeer horuumar ka wadanka waa laga fikiraa side ugu haboon.

 

MBashe (Meerkat)

 

COMMENTS
LINKS