|
|||||
WAJAALE NEWS
Shiinaha oo maanta Jabuuti ka furay aag ganacsi oo xor ah
July 5, 2018 - Written by Reporter:Djibouti (WJN)- Dalka Jabuuti waxaa maanta si rasmi ah loga daah furay Wajiga hore ee aagga ganacsiga xorta ah ee jabuuti ee Shiinuhu dhisayo, kaasoo ah kan ugu weyn Afrika, ayaa maanta laga furay Jabuuti. Hogaamiyayaasha gobolka ayaa isugu tegey waddankaas ku yaalla geeska Afrika si ay uga qayb qaataan munaasabadda furitaanka aaggaas. Aagga ganacsiga xorta ah ee Jabuuti ayaa la filayaa inay soo marto badeecad qiimaheeda lagu qiyaasayo 7 bilyan oo Doollar, muddo laba sano gudaheed ah, uuna abuuro ilaa 15,000 oo shaqo, marka la dhamaystiro. Waa horumarkii xagga tas-hiilaadka ee ugu weynaa dalka, oo ay ku nool yihiin in ka yar hal malyan oo qof, waxaana aad loogu yaqaanaa inuu marti galiyey saldhigyo waaweyn oo ay ku leeyihiin ciidamada Maraykanka iyo Faransiiska. Shirkadda ugu weyn ee adeegga dekedaha Shiinaha ayaa ka shaqayanaysa dhismaha mashruucaas, wuxuuna qayb ka yahay qorshe weyn oo oo loogu magac daray “hal meegaar, hal waddo”, kaasoo ah hindise maalgashi oo ka socda ilaa 60 dal. Aagga ganacsiga xorta ah oo baaxadiisu gaadhayso 48.2 KM, ayaa 10% ka mid ah waxay tahay hantida ma guurtada ah ee Jabuuti, waxaana ay hoy u noqon doontaa tas-hiilaadka xagga waxsoosaarka, gaadiidka, iyo kaydka. Istaraatijiyada halka ay ku taallo Jabuuti oo ah gacanka cadmeed ayaa horeba uga dhigay in ay soo maraan 95% badeecadaha u socda dalka ay jaarka yihiin ee Itoobiya. Waxay kaloo Jabuuti qorshaynaysaa inay marin u noqoto khayraadka dabiiciga ah ee dalalka South Sudan, Soomaaliya iyo gobolka harooyinka waaweyn oo iyadu aysan haysan. Maalgashiga uu Shiinuhu ku samaynayo Jabuuti dhawaanahan waxaa kaloo ka mid ah garoon caalami ah oo cusub, khad tareen, iyo dhuun biyaha macaan u qaadda Itoobiya.
Related posts:DAAWO;-Hadalo Isku Eeg Oo Madaxwayne Biixi Iyo Maayar Cidin Ku Aflagaadeeyey Reer Berbera+ Jawaabta ... Haayada Caafimaadka Aduunka Oo Digniin Culus Ka Soo Saartay Xaalada Africa Ee Xanuunka Conavirus. DAAWO ; Iscasilaada Golaha Wasiirada Xukuumada Siilaanyo Oo Noqday Tusbax furtay Iyo Wasiirkii Waxba... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|