Safaarada Somaliland Ee Dalka Ethiopia Oo Si Adag Uga Hadashay Wararka Sheegaya In Ay Xidhantay Safaradu Iyo Xidhiidhka Labada Dal. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Safaarada Somaliland Ee Dalka Ethiopia Oo Si Adag Uga Hadashay Wararka Sheegaya In Ay Xidhantay Safaradu Iyo Xidhiidhka Labada Dal.
July 16, 2018 - Written by Editor:

Adis Ababa(W,N) Safiirku kuxigeenka Somaliland ufadhiya safaarada dalka etoobiya Ambasador Maxamed Cabdikariim oo ku sugan dalka ingiriiska oo uu hawlo shaqo ujooga ayaa si adag uga hadlay warar maalmihii udanbeeyay siwayn loo hadal hayay oo sheegayay in ay xidhantay safaaradii Somaliland ku lahayd magaalada Adis-ababa isagoo sheegay in aanay wararkaasi waxba ka jirin dadka ka hadlayaana ay yihiin Cadawga Somaliland.

Sidoo kale safiir kuxigeenka oo Goor dhawayd Waraysi siiyay Televisionka Bulsho TV ayaa ka warbixiyay ujeedada safar uu ku jooga dalka ingiriiska.

Dhanka kale Ambasador Maxamed Cabdikariim ayaa ka Hadlay sida ay ushaqayso safaaradu isagoo xusay in kor loo qaaday meeqaabkeeda xiligana laban laabay hawlihii ay qaranka uhaysay,

Halkan kaga Bogo Waraysiga Safiirku Xigeenka Somailand uUfadhiya Itoobiya Oo faah faahsan;

COMMENTS
LINKS