Qaramada Midoobey oo Sheegtay In 12 Kun oo Qoys ay Ku barakaceen dagaalka Tukaraq | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qaramada Midoobey oo Sheegtay In 12 Kun oo Qoys ay Ku barakaceen dagaalka Tukaraq
July 1, 2018 - Written by Reporter:

Hargeisa (WJN) – Ku xigeenka Ergayga Xoghayaha Guud Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Peter De Clerk ayaa sheegay in khilaafka ka taagan degaanka Tukaraq darteed ay u barakaceen dad ka badan 12 Kun oo qof.

Mr. De Clerk ayaa ugu baaqay labada dhinac ee isku horfadhiya deegaankaasi in ay ka fogaadaan gacan ka hadalka, taasoo buu yidhi keeni karta qalalaase bani’aadanimo oo laga baaqsan karo.

“Ugu horeyn gobolada Sool iyo Sanaag waa meelo ay ka jiraan xaalado bani’aadanimo, sidaasi darteed wali waxaa ay ka mid yihiin meelaha ay colaadaha ka jiraan, khilaafkan waxaa ka dhashay inay ku barakacaan 12 Kun oo qof, kuwaasi oo ay Hay’adaha gargaarka ay daryeelayaan, waxan ugu baaqayaa dhinacyada inay aysan colaad kale hurin, sababtoo ah taasi waxay abuureysaa qalalaase kale” ayuu yidhi Peter De Clerk.

Sidoo kale Ku xigeenka Ergayga Xoghayaha Guud Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in dad dhawr ah ay ku dhinteen kuna barakaceen colaada haatan taagan, kuwaasi oo ay ka mid yihiin rayid.

“Xaalada haatan way kacsan tahay waxaana fahamsanahay inay sii kordhayaan tirada ciidanka ku sugan deegaankaasi, waxaa jirtay in rasaas la is weedaarsaday wiigagii la soo dhaafay, laakiin khilaafka weyn ee aan ka casbi qabno weli ma dhicin, waxaana colaada ka dhalan karta xaalad halis ah.” Ayuu markale yidhi Mr. De Clerk oo la hadlay VOA-da.

Wuxuu kaloo sheegay Sarkaalkan inay telefoonka kula hadleen Madaxda labada maamul, isaga oo tilmaamay in dadaalkooda halkaasi uusan ku ekeyn balse Hargeysa iyo Garowe uu u tagay sidii loo sii wadi lahaa xabad joojinta, inkastoo xabad joojinta aysan aheyn mid rasmi ah.

Dalal iyo hey’ado kala duwan ayaa hore baaqyo nabadeed ugu diray Somaliland iyo Puntland, waxaana ka mid ah UN, African Union, European Union, (IGAD), Belgium, Denmark, Ethiopia, Finland, Germany, Ireland, Italy, the Netherlands, Norway, Sweden, Turkey, the United Kingdom iyo the United States.

https://youtu.be/e97wnPu7tKA

COMMENTS
LINKS