Nabad Galyadda Wadooyinka, Shilalka baabuurta | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Nabad Galyadda Wadooyinka, Shilalka baabuurta
July 4, 2018 - Written by Wariye:

Shilalka baabuurta

Waxa lagu tilmaamaaa shilalka baabuurta ee caalamka ka dhaca  in ay yihiin wax yaabaha ugu badan ee keena dhimasho , sanadkii 1990 waxa ku dhintay shil baabuur 1.1million qof
roads
ku waasoo 68,000 ay ahaayeen caruur da’doodu ay ka yarayd  5sano jir  halka sanadkii 2013 waxa ku dhaawacmay shilbaabuur aduunka oodhan 54million oo qof , waxa ku dhintay 1.4million qof

Waxay sheegeen  haayadda cafimaadka aduunka  iyo bangiga aduunku “ shilalka baabuurta ee ka dhacaya aduunka in ay yihiin sababta labaad ee keenta  dhimashadda  ugu badan dadka da’adoodu u dhaxayso(9 jir illaa 25jir )sidoo kale na ay yihiin sababta saddexaad ee keenta dhimashadda ugu  badan dadka da’adoodu u dhaxayso (30 jir illaa 44 jir )  waxa  kale oo ay tilmaameen  in sanadkasta  ay ku dhintaan shilalka baabuurta aduunka oo dhan 1.3million qof ,waxana ku dhaawacma 50 million oo qof ,  hantidda sanadkasta ku baaba’daa waa 65 billion oo dollar , waxa la rajaynayaa  in sanadka 2020 in ay korodho tiridda dadka ku dhinta shilalka baabuurta 80% gaar ahaan dawladdaha soo koraya ee aynu ka midka nahay

Noocyadda shilalka

  • In laba baabuur is galaan : waana nooca ugu badan ee dhaca
  • In baabuurku qof uu jiidho doonayay in uu ka waddada dhexmaro
  • In baabuurku ka leexdo haadkiisii soona qaban kariwaayo sababtoo xawaaraha uu ku socdo taas oo keenta in baabuurkuba qalibmo
  • in baabuurku waddada ka baxo kadibna uu jiidho gidaar amma shay
  • in baabuurku shiidho xayawaan doonayay in uu ka gudbo waddada

dhamaan noocyadda aynu kor kusoo xusnay way ka dhacaan waddooyinkeena ,waxana ugu badan babuur qof jiidha qofkaasoo dhinta amma naafooba amma dhawaacma , sidoo kale waxaa aad u badan nooca shileed ee  ah in baabuurku uu jiidho xayawaan , magaalooyinka waawayn dhexdeeda immisa ayyo , bisaddo ayaa lagu jiidhaa sidoo kale wadooyinka tagga  tuulooyinka immise xawaan oo kale ayaa lagu jiidhaa .waliba manaafacaadleh sidda riyaha ,

sidii aynu ku soo qaadanay qormaddii hore sababaha keena shilalka  waxa weeyi sababo ka imaadda  xagga dirawalka iyo qaar  ka imaadda xaga waddooyinka

Natiijooyinka ka dhasha shilalka baabuurta

in sannad kiiba nafo ku dhintaan ,qaarna  ku dhaawacmaan , qaarna ku naafoobaan

in hanti badan ku lunto

waxay dadka kaga tagaan radad aan lamahadin oo marmarka qaar aar goosi galla

waxa uu ku sheegay madaxwaynaha somaliland mudane muuse bixi abdi khudbadsanadeedkii sanadkan bishii saddexaad ee aynu soo dhaafnay in shilalka babuurtu noqdeen sanadkii ugu danbeeyay qaar  keenay khaasaare aad u daran oo naf iyo maal bal eh , waxa ka dhacay dalka ayuu yidhi   2258 shil baabuur , waxa ku dhintay 160 qof ,waxa ku dhaawacmay 1956 qof

waxa sidoo kale ku baba’dda hanti ka badan 3million oo dollar ,taas macnaheedu waxa weey in malinkasta oo sannadkaa hore kamid ahayd ay ku lumaysay shil baabuur  hanta gaadhaysa $ 8200 oo dollar , waa in sannadkan aynu ku jirno qorshe laga yeesho , shicib iyo dawladba ,una guntano sidii aynu u xakamayn lahayn shilalka

Adaba  haddii sanaddkii hore uu  ka dhacay dalka 2258 oo shil in maalin kasta uu dalka ka dhacaayay 6 illaa 7 shil baabuur , nooca shilal ee aad ka ugu badan wadan keena gaar ahaan caasimadda dhexdeeda ayaa ah baabuur baabuur kale jiidhay waana nooca shileed ee hantidda ugu badani ku lunto ,  taas oo ay keen tay saxmadda ka jirta gudaha magaaladda Hargeisa . iyo casimadaha goboladda kale ee JSL iyo waliba calaamadaha wadooyinka oo badan koodu aanay jirin .

gun iyo guunaanad waa in dadku bartaan  shuruucdda nabadgalyadda wadooyinka, waa in wadoyinkana loo sameeyoo calamadihii tilmaamayay meelaha  dadku ay ka gudbi karaan ,  iyo meelihii xayawanadda ka gudbayeen sidda wadooyinka miiyadda u baxa oo kale

QORMADDA SADDEXAAD

W/Q: Eng abdiladif mohamed cirday

abdiladif.m.4@gmail.com

……………………………………………………………………………………………………………………………………………………………….

Masuul kama aha shabakada wararka ee wajaalenews.net aragtida iyo fikirada dadwaynaha ee aan ku baahino warbaahinta wajaalenews.net

COMMENTS
LINKS