Muhiimada Aagga ganacsiga xorta ah ee ugu weyn qaarada Africa ee laga daah-furay Jabuuti | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Muhiimada Aagga ganacsiga xorta ah ee ugu weyn qaarada Africa ee laga daah-furay Jabuuti
July 6, 2018 - Written by Reporter:

Djibouti (WJN) – Waxaa maalintii shalay si rasmi ah looga daah-furay dalka Jabuuti Aaga Ganacsiga xorta ah ee jabuuti ee Shiinuhu dhisayo, kaasoo ah kan ugu weyn guud ahaan marka la eego qaarada Africa.

Aagga ganacsiga xorta ah ee Jabuuti ayaa la filayaa in ay soo marto badeecad qiimaheeda lagu qiyaasayo 7 bilyan oo Doollar, muddo laba sano gudaheed ah, uuna abuuro ilaa 15,000 oo shaqo, marka la dhamaystiro.

Dhismaha mashruucan waxaa ka shaqeynya shirkadda ugu weyn ee adeegga dekedaha Shiinaha, wuxuuna qayb ka yahay qorshe weyn oo oo loogu magac daray “hal meegaar, hal waddo”, kaasoo ah hindise maalgashi oo ka socda ilaa 60 dal.

Waa horumarkii xagga tas-hiilaadka ee ugu weynaa dalka, oo ay ku nool yihiin in ka yar hal malyan oo qof, waxaana aad loogu yaqaanaa inuu marti galiyey saldhigyo waaweyn oo ay ku leeyihiin ciidamada Maraykanka iyo Faransiiska.

Aagga ganacsiga xorta ah oo baaxadiisu gaadhayso 48.2 KM, ayaa 10% ka mid ah waxaa ay tahay hantida ma guurtada ah ee Jabuuti, waxaana ay hoy u noqon doontaa tas-hiilaadka xagga waxsoosaarka, gaadiidka, iyo kaydka.

Istaraatijiyada halka ay ku taallo Jabuuti oo ah gacanka cadmeed ayaa horeba uga dhigay in ay soo maraan 95% badeecadaha u socda dalka ay jaarka yihiin ee Itoobiya.

 

 

jabuuti

COMMENTS
LINKS