|
|||||
WAJAALE NEWS
Maxaad ka ogtahay markay Dawlada Eriteria qarka ula saarnayd ictiraafka s/land ,maxaadse ka ogtahay inta jeer ee caalamku isla soo qaaday ictiraafka s/land
July 12, 2018 - Written by Reporter:Dad fara Badan oo reer s/land ah ayaa u haysta in weligeedba aan cidi soo qaadin qadiyada ictiraafka s/land sidoo kale Dadka soomaalida oo aad uga soo horjeeda qadiyada s/land ayaa u haysta in aanay dhici karayn in caalamku sinaba u aqoonsado s/land! iyaga oo taas sabab uga dhiga in caalamku aanay marna ogolaan Doonin in somalia lakala gooyo!! cajiib maxaa caalamka faa iido ugu jirta waxay ku sheegayaan Midnimada somalia?!! ,hadaba iyada oo aad moodid in aynu xaga ictiraafka ku nasiib xunahay Hadana waxaan rabaa in aan halkan idiinku soo Bandhigo inta jeer ee caalamku isla soo qaaday ama ka wada Hadlay qadiyada aqoonsiga JSL Dabcan waa inta aan anigu ka ogaa ama aan xogogaal u ahaa: waxa aan ka cudur Daaranaya in aanan wada xasuusnayn taariikhda iyo siday isu xigeen Dhacdooyinkan Hoos ku qoran oo intuba ku saabsan yihiin ictiraafka s/land laakiin Dhamaantood waa Dhacdooyin run ah oo Dhacay. Kadib Markii maamulkii maraykanka ee u madax ka ahaa (clinton) ciidamadiisii kala Baxay somalia waxa Dhacday in maraykunku u soo jeesto xaga s/land oo markaa ahayd Dawlad curdin ah , waxa maraykan iyo somaliland Dhex maray xidhiidh cusub oo horleh oo aay Gadhwadeen ka ahayd naag maraykanka safiirad uga ahaan jirtey Dalka Djibouti oo la odhan jirey(Lung Shermen Horn) waxaan ka cudur Daaranaya in spellinka magaceedu aanu wada sax ahayn ,naagtaasi Hargaisa kamay qoob qaadi jirin aniga ayaa shakhsiyan arkay iyada oo diric xidhan oo Degan hudheelka (Mansuur) oo markaa cusbaa , wufuuda maraykanka ee Hargaisa iman jirtey maay kala go i jrin ilaa war baahinta maraykan ugu weyn sida wargesyka (washington post) uu ka yaabay sida maraykanku u Danaynayo Dal yar oo Geeska africa ku yaal oo ku Dhawaaqay in uu somalia ka go`ay , wargeesku wuxuu Daabacay warbixin dheer oo arintaas ku saabsan oo uu cinwaan oga Dhigay(Will Amarica support the partition of somalia?), xidhiidhkii halkaa ayuu ka sii socday,Madaxweynihii somaliland ee waqigaas Marxuum Mxamed Ibraahim cigaal ayaa Maraykan Booqasho ku tegey wuxuu la kulmay mas`uuliin maraykan ah oo ay ku jireen naag yar oo madoobayd oo la odhan jirey(suzan rice) oo marka ahayd kaaliyaha xoghaya Arimaha Debeda ee Maraykan u qaabilsan Africa(United States. Under Secretary of State for Africa) iyo ku xigeenka wasiirka Difaaca iyo Gudida arimaha Debeda ee congresska , maraykanku wuxuu cigaal iyo wafdigiisii sicad ugu sheegay in uu taageersan yahay qadiyada Madaxbanaanida s/land laakiin isagu aanu ugu horayn karayn in uu aqoonsado balse narka hore loo baahan yahay in ay aqoonsadaan Dalalka( Igad) ee somalinad jaarka la ah weliba uu isagu(marykanka) ka ololaynayo sidii arintaasi u dhici lahayd. * olole uu Marykanku qaaday isaga oo la kaashanaya Dalka Ethiopia waxa la soo jeediyey in marka hore ay somaliland xubin Goob joog ah ka noqoto urur Goboleedka (Igad) taas oo Dariiqa u xaadhaysa in Dalalka (igad) marka danbe si rasmi ah u aqoonsadaan somaliland … Laakiin walaalkeen ismaaciil cumar Geelle ayaa arintaas ku Gacan saydhay oo ku Hanjabay in hadii meesha lakeeno somaliland uu isagu ka Baxayo igad Dabadeed arinkaasi waa socon waayey iyada oo go `aanada ururkaas ka soo baxa ay shardi tahay in Dawladaha oo dhami wada ogolaadaan .. ismaaciil cumar Geelle ayaa Diiday hada waa ismaaciil cumar geelle waa ninka siyaasiyiinta somaliland ay Ducadiisa iyo Amaantiisa kala Boobaan!!! waa ninka ay Bishiiba u tagaan saddex mas`uul oo somaliland ka socda ilayn waa fariide intuu usameeyo woxooga soo dhowayn ah oo Dhalanteed ah Dabadeed uu mid walba jeebku ugu soo rido dhowr midh oo (nac nac) ah ayaay iyaga oo faraxsan oo qoslaya intay Hargaisa yimaadaan yidhaahda.. sifiican oo walaaltinimo iyo xishmad iyo qadarin iyo islaamnimo ku jirto ayaa naloo soo dhoweeyey oo waxaanu u mahadnaqaynaa madaxweynaha jamhuuriyada jabuuti iyo shacabka reer jabuuti ee aanu walaalaha nahay sida ay marwalba noo soo dhoweeyaan ee marlwalba ay noo garab taagan yihiin ilaahay khayr hasiiyee abaalkooda ilaahay uun baa gudi kara!!! ismaaciil cumar Geelle abaalka uu inagu leeyahay waxa weeye in aynu sidii 1988 SNM weererka ugu qaaday Burco iyo Hargaisa aynu isagana weerar ku qaadno oo meesha ka tuurno!! laakiin nasiib Darro siyaasiyiinta s/land ee maanta joogaa waa wada xaabo marka laga reebo Gudoomiye Faisal cal waraabe. * ka bacdi maraykan ayaa (koofi anan) ka Dalbaday in uu soo eego sida ugu fudud ee international low waafaqsan ee s/land loo ictiraafi karo…. la socda maqaalka Danbe jawaabtii koofi anan. * Dawlada Eritrea ayaa mar qarka u saarnayd in ay ku dhawaaqdo aqoonsiga somaliland…arinkaa waxaa ka shaqeeyey al-marxuum maxmud saalex nuur(Fagadhe) oo ahaa wasiirkii arimaha Debeda ee ugu xariif sanaa ee soo mara somaliland oo weliba ka soo jeeda Gobolka sool maxaa Dhacay oo hakiyey ama joojiyey ictiraafkii erirea ee diyaarka ahaa ? la socda maqaalka Danbbe. * 2003 Dawladaha UK iyo Denmark ayaa File kii aqoonsiga somaliland hor dhigay Midawga Europe… maxaa Dhacay? la socda maqaalka danbe. * Maamulkii maryakanka ee George .w. bush, kaaliya xoghaya arimaha debeda ee maraykan u aqaabilsan Africa( walter castner) oo markaa waqti kooban xafiiska ku joogey sifo ku meel gaadh ah ayaa Congersska horgeeyey File kii aqoonsiga somaliland isaga oo yidhi (United states should recognize the republic of somalaind).. maxay congerssku ku jawaabeen .. lasocda maqaalka danbe. * Dawlada south africa ayaa mar xiiso u qabtay in ay aqoonsato somaliland.. yaa arintaas biyo dhiijiyey ? la socda maqaalka Danbe * markii shirkii (carta) ee Djibouti ee somaalida loo qabatay dhamaaday waa tii la Doortay cabdul qaasim salaad Boy isla markiiba waxa Dhacay shirkii(igad) oo lagu qabtay magaalada khartuum ee sudan cabdil qaasim oo ismaaciil cumar gelle wado ayaa tegay shirkaas si uu ugu fadhiisto kursigii somalia, waa maxay shuruudii uu (Males Zinawi) ku xidhay si uu kursigaas ugu fadhiisto? mase ka war qabtaan dagaalkii shirka ka dhacay ee ku saabsanaa somaliland oo udhexeeyey madaxweynaha suudaan iyo ismaaciil cumar gelle iyo ina salaad booy oo isku dhican ah iyo Meles zinaawi oo dhinac ah….. la socda maqaalka danbe . * markii shirkii Embgathi ee somalida ee kenya lagu qabtay howshiisa lagu jirey dawladaha somalia la jaarka ah sida Etheopia,Djibouti iyo kenya ayaa loo igmaday in ay Gudoomiyaan shirkaas laakiin ismaciil cumar Gelle oo ka baqayey in shirka Embgathi lagu baa biinayo wixii carta lagu soo dhisay ayaa ka caga jiiday in uu shrkaas ka qayb galo , Dawladaha EURope oo shirka Maalgelinayey ayaa Digniin kama danbays ah u soo Diray ismaaciil cumar gelle haduu shirka tegi waayo Digniintaas waxa qayb ka ahayd ictiraafka somaliland …iyaga oo og in uu aad uga soo horjeedo qadiyada somalailand … lasocda tafaasiisha maqaalka Danbe. * wasaarada gaashaan dhiga ee maamulkii marykanka ee Bush ayaa soo jeedisay in maraykanku aqoonsado somaliland laakiin taas waxa ka hor ymid wasaarada arimaha Debeda oo tidhi marka hore waa in dawladaha africa ku horeeyaan ictiraafka somaliland … taas waad wada ogaydeen waayo warbaahinta caalamka oo dhan ayaa laga sheegay. * Naagtii madoobayd ee la odhan (Jendayi freezer) ee ahayd kaaliyaha xog haya arimaha debeda ee maraykanka xaga Africa ee Maamulkii Bush ee Hargaysa timid berigii xukuumadii riyaale , iyada oo u ololaynaysa ictriifka somaliland maxay ku wada Hadleen Males Zinaawi? iyada oo isla arintaas wada maxay ku wada hadleen ismaaciil cumar Geelle? muxuuse ismaaciil cumar gelle ku yidhi? iyada oo weli u ololaynasay qadiyada ictiraafka somaliland Jendayi Frezer waxay la kulantay Gudoomiyihii Midowga Africa ee xiligaas waxay ka Dalbatay in somaliland ay xubin buuxda ka noqoto Midowga Africa taas oo macnaheedu yahay in 54 dal ee uu ka kooban yahay urukaasi ay Duuduub u ictiraafaan somaliland … muxuu ku jawaabay alpha cumar conari ? waa maxayse jawaabtii alpha cumar conaari ee ka yaabisay jendayi freze… la socda maqaalka Danbe. * xukuumadii ingiriiska ee uu rasayl wassaraha ka ahaa (Gordon Brown) warqad ictiraafka somaliland ku saabsan ayay u qortay Maamulkii (obama) muxuu maamullka obama warqadaas kagasoo jawaabay ? la socda maqaalka Danbe *ma la socotaa inta jeer ee uu Males Zinaawi ku Dagaalamay ictiraafka somaliland, mase la socotaa inta jeer ee uu ismaaciil cumar Geelle ka Dagaalamay(Diiday) ictiraafka somaliland? la socda maqaalka Danbe. wixii tacliiqaad ah ku soo Dira E-mailka. khadar hussein caanoboodhe32@gmail.com
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|