Masuuliyiinta Wasaarada Waxbarashada iyo Hay”adda Shaqaalaha oo Kulan Ku Yeeshay Magaalada Hargeysa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Masuuliyiinta Wasaarada Waxbarashada iyo Hay”adda Shaqaalaha oo Kulan Ku Yeeshay Magaalada Hargeysa
July 14, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Wasaaradda Waxbarashadda Somaliland, Iyo Hay”adda Shaqaalaha Dawlada ayaa waxay daahfureen Qorshe cusub oo dib loogu eegaayo Tiradda iyo Tayadda  macalimiinta dugsiyada dawladda ka hawlgala.

Kulankan Balaadhan ee maanta ay isugu imaadeen Madaxda Wasaaradda waxbarashadda oo uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Prof, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon)  iyo musuuliyiinta Hay’adda shaqaalaha oo uu hormuud ka yahay  Guddoomiye Sharmarke Axmed Muxumed Geelle.

Ujeedka Kulankan oo ahaa mid dib u eegis lagu samaynayo tayadda iyo Tiradda Macalimiinta Dawladda ee goobaha waxbarasho ee dawliga ah ka hawlgala, ayaa waxaa tafaasiil ka bixiyay Guddoomiyaha Hay”adda Shaqaalaha oo ka hadlay qodobada shirkani lagaga hadlay oo dhignaa sidan:

 

-Tirada Macalmimiinta

-Tayada barayaasha

-Tababar iyo kor u qaadis

iyo guud ahaanba

– Hannaanka loo marayo qiimaynta macalimiinta dalka iyo tallaabooyinka laga qaadi doonno si loo helo macalin tayyo badan oo ardayga siiya aqoon iyo jihayn buuxda

Haddaba, masuulyiiinta ka soo qaybgalay madasha ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay in kor loo qaado xirfadda iyo tayada macallimiinta dawladda si loo helo waxbarasho tayo leh oo soo saarta arday aqoontoodu sarrayso kuwaas oo qaranka wax tara. Waxaana la isku raacay qorshayaal hordhac ah oo kor loogu qaadi doono tayada macallimiinta dawladda iyo dib-u-qiimayntooda.sku soo wada duuboo kulankan ayaa daba socda siyaasadda xukuumadda ee tayaynta waxbarashada dalka iyadoo shirkii ugu dambeeyey ee golaha Wasiirrada JSL lagaga hadlay habka iyo hanaanka loo marayo kobcinta macallimiinta iyo dib u eegista hannaanka waxbarasho ee dalka.

Kulankan ayaa daba socda siyaasadda xukuumadda ee tayaynta waxbarashada dalka iyadoo shirkii ugu dambeeyey ee golaha Wasiirrada JSL lagaga hadlay habka iyo hanaanka loo marayo kobcinta macallimiinta iyo dib u eegista hannaanka waxbarasho ee dalka.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

 

COMMENTS
LINKS