|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Muuse Biixi oo U Sacabo Tumay Heshiiska Dhexmaray Itoobiya iyo Ereteriya
July 11, 2018 - Written by Reporter:Hargeysa(WJN)-Madaxweynaha Jamuuriyada Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa u sacabo tumay heshiiska nabadeed ee dhex maray wadamada Itoobiya iyo Ereteriya. Madaxweyne Biixi, oo qoraal kooban ku baahiyay bartiisa twitterkiisa, ayaa wuxuu sheegay in isbedelkaasi yahay mid taariikheed, “Jamhuuriyadda Somaliland waxay bogaadinaysaa oo ay u sacabo tumaysaa in Itoobiya iyo Ereteriya wada jir u saxeexeen nabad, heshiis saaxiibtinimo oo ay ku dhawaaqeen in xaaladii dagaal dhammaatay.” Ayuu yidhi Madaxweyne Biixi oo intaas raaciyay, “Waa talaabo taariikhi ah oo tusaale ah. Waxay ka qayb qaadanaysaa degenaanshaha iyo nabadda guud ahaan gobalka Geeska Afrika.”
Xigasho: Wargayska Geeska Afrika
Related posts:DAAWO; Madal Ay Isku Haleeleen Saddexda Gudoomiye Xisbi Qaran iyo Dadwaynaha Oo Su’aalihii Ugu Adkaa... Khilaaf Culus Oo Soo Kala Dhex Galay Wasaaradaha Waxbarashada Iyo Diinta Iyo Awqaafta + Halka Uu Sal... “Siyaad Barre Ayaa Inoogu Dambeeyay Gaadiid La Iskala Wareego,” WADDANI Oo Eedaymo Kulul U Jeediyay ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|