|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland iyo Wafdigii uu Hogaaminayay oo Gaadhay Magaalada Ceel-afweyn
July 9, 2018 - Written by Reporter:Ceel-afweyn (WJN)- Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wafdigii uu hogaaminayay ayaa gaadhay magaalada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag, halkaas oo ay laba beelood ku dhexmaraysay muddooyinkii u danbeeyey colaadaad gaamurtay oo deegaankaasi ka taagnayd. Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed iyo salaadiin tiro badan ayaa madaxweyne ku-xigeenka kusoo dhaweeyay magaalada ceel-afweyn. Madaxweyne ku-xigeenka ayaa kulan ballaadhan la qaatay madax dhaqameedkii ka kala yimi guud ahaan gobolada Somaliland ee nabadgelyada u joogay Ceel-afweyn hadalo kooban oo uu madax-dhaqameedka u jeediyay madaxweyne ku-xigeenku ayuu ku yidhi “Arrinta aynu u soconaa waa arrin nabad-galyo,waxaynu u baahan nahay in wax kasta oo ay inagu qaadanayso aynu nabadgelyo dhex-dhigno dadka walaalaha ah ee deegaankan, waa dad walaalo ah oo aanay waxba u kala soocnaynayn, hadana waa nasiib daro dagaalka dhex marayaa, hawshaas waxaynu u galaynaa sida ugu fiican” Sidoo kalana waxa uu madaxweyne ku-xigeenku kulan la yeeshay culimada ugu caansan gayiga Soomaalidu degto oo magaalada ceel-afweyn u jooga sidii ay u xoojin lahaayeen dadaalada nabadgelyo ee ay xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ka waddo deegaanadaas, culimada ayaa ballan qaaday inay si daacada u gali doonaan hawlaha nabadaynta deegaankaasi.
Related posts:“Anigu La Yaabi Maayo Ragga Xukuumaddii Hore Ee Kulmiye Ka Tirsanaa Ee Muqdisho Ka Hilaacay, Waayo M... “Hadii Madaxwayne Farmaajo Uu Qorshihiisa Ku Adkaysto, Khilaafku Ma U Hor Seedi Karaa Dagaal Sokeeye... Daawo:Siyaasi Xamse Khayre Oo Bedka Soo Dhigay Dhaliilo Dulhoganaya Hayaayada Caymiska Qaranka COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|