Madaxweyne Ku-xigeenka oo qaabilay Wefti Ka Socda dalalka Ku bahoobay Ka hortagga Xanuunnada Faafa Iyo Somaliland Oo xubin ka Noqotay 31-ka Dal Ee Ku Midoobay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Ku-xigeenka oo qaabilay Wefti Ka Socda dalalka Ku bahoobay Ka hortagga Xanuunnada Faafa Iyo Somaliland Oo xubin ka Noqotay 31-ka Dal Ee Ku Midoobay
July 7, 2018 - Written by Reporter:

Hargaysa (WJN)- Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ballaadhan oo ka socda qaar kamida dalalka afrika ee ku bahoobay urur ka hor tagga xanuunada faafa  oo uu hoggaaminaayey Dr.Simon Antera.

Waxaana ay wafdigu madaxweyne ku-xigeenka u sheegeen in Somaliland loo aqoonsaday inay xubin ka noqoto 31 waddan oo ku midoobay  la dagaalanka xanuunada faafa, taasi oo ay jamhuuriyadda Somaliland qayb ka noqotay isla maanta.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf, ayaa ku dheeraaday dadaalka ay ka wasaarad ahaan ugu jiraan sidii ay Somaliland qayb uga noqon lahayd inta badan waddamada iska kaashada  horumarinta caafimaadka.

Madaxweyne ku-xigeenka jamhuuriyadda Somaliland ayaa wafdigani iyo dalalka ay ka socdeen ee Afrika uga mahad celiyay garashadooda ah inay Somaliland ku daraan 31 dawladood ee ku midoobay ka hor-tagga iyo la-dagaalanaka xanuunada faafa oo bulshada Afrika fara-baas ku haya,waxaanu madaxweyne ku xigeenku sheegay in Somaliland uga baahantahay Afrika gacan weyn oo ay ku garab istaagayaan qaddiyadda kamid ahaanshaha dunida ee Somaliland.

Wafdiga ayaa ballan qaaday inay dalalkooda iyo kuwa Afrika ee kaleba ay ka dhaadhicin doonaan waxa ay Somaliland ku soo arkeen oo ay ugu horrayso nabad-galyada iyo dawladd wanaaga.

 

 

IMG_1540 IMG_1538  IMG_1543    IMG_1561 IMG_1564 (1)  IMG_1590

 

COMMENTS
LINKS